Sign in to follow this  
kingofkings

Puntland Education Minister in Mudug

Recommended Posts

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo kormeeray qaar kamid ah goobaha Waxbarashada Gaalkacyo

 

Madaxda wasaarada waxbarashada ee Puntland ayaa maanta kormeeray qaar kamid ah goobaha waxbarasho ee ku yaal magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Mas’uuliyiin uu horkacayo wasiirka wasaaradda waxbarashada ee Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa goor hore oo saaka ah kormeer ku tegey dhowr kamid ah dugsiyada sare iyo kuwa H/dhexe ee Gaalkacayo.

 

Iskuulada uu saaka wasiirku booqdayna waxaa kamid ah dugsiyada sare ee Cumar Samantar iyo Xaaji Cali Biixi oo iyagu kamid ah dugsiyada sare ee ugu waaweyn gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland.

 

Sidoo kale wasiirka waxbarashada Puntland iyo wefdigiisu waxay saaka soo kormeereen qaar kamid ah dugsiyada isugu jira H/Dh/Sare oo uu kamid ahaa dugisa Salaama

 

Mudane Cabdi Faarax Juxa ayaa dhamaan goobihii waxbarasho ee uu maanta tegey wuxuu kula hadlay ardaydii wax ka baraneysey, wuxuna kula dardaarmay inay dadaalkooda sii laba jibbaaraan si ay mustaqbal fiican u higsadaan.

 

Wasiirka waxbrashada ee Puntland ayaa dhinaca kale sheegay in qaar kamid ah dugsiyada sare ee dowladda hoos taga oo horay Imtixaanaadkooda dibadda loogu soo diyaarin jirey loguna sixi jirey qaabkaas isaga ah laga bedley.

 

Laga bilaabo sanad dugsiyeedka hadda socda ee 2011-2012 wuxuu wasiirku tilmaamay inuusan jiri doonin Imtixaan dibadda ka yimaada balse dalka gudihiisa lagu diyaarin doono laguna sixi doono.

 

Si kastaba ha ahaatee booqashada uu maanta wasiirka waxbarashada ee Puntland ku tegey qaar kamid ah goobaha waxbarashada ee magaalada Gaalkacayo ayaa kusoo beegmeysa xilli maanta ay magaalada Garoowe soo gaareen wefdi ka socda w.waxbarashada ee Sudan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this