Carafaat Posted March 28, 2012 Madaxweyne Siilaanyo oo markii uu Al-baabka ka Saaray Maxamed Xaashi iyo Gaboose, Gondaha soo gashaday Rayaale iyo Cawil Madaxweyne Siilaanyo oo Daahir Rayaale ku qancinaya inuu noqdo Ergayga u qaabilsan wadahadalada iyo Cawil oo ku Lamaan. Kulankii Siilaanyo la yeeshay Rayaale iyo Cawil wuxuu madax jabin u yahay dareenka Gaboose iyo Maxamed Xaashi ka qabaan wadahadalada Somaliya Hargeysa(Waaheen) Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa shalay kulan gaar ah Qasriga Madaxtooyadda kula yeeshay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Wasiirkiisii Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale Cawil. Kulankan oo aan xog badan laga hayn ayaa tibaaxaha ka soo duulayaa if-tiiminayaan inay ujeedadiisu ku qotontay sidii wadahadalaada ay xukuumaddu ku feegan tahay ee ay la yeelanayso Somaliya loogu qancin lahaa inay Hormood ka noqdaan, si ay uga leexdaan mawqifka ay ku adag yihiin ee ah inaan wadahadalo Somaliya lala galin sidii uu Rayaale ka dhawaajiyay markii ay shirkii Ingiriiska tageen ee ay u kaxaysteen Axmed Yuusuf Yaasiin. Wali ma cada in uu Madaxwayne Rayaalaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ku qancay iyo inkale hase yeeshee sida ay wararku sheegayaan maadaama ay isku kaliyaysteen waxa loo bandhigay inay ahayd sidii uu u hogaamin lahaa ama uu u noqon lahaa Ergayga Somaliya u matalaya wadahadala Istanbuul. Talaabada Madaxweyne Siilaanyo kun kaliftay wakhtigan inuu Ciyaaro Siyaasadda ah in uu Rayaale iyo Cawil u yeedho ayaa lagu macnaynayaa inay ugu wacan tahay dhawr arrimood oo ay ka mid tahay ta koowaade inuu Rayaale noqdo Siyaasiga Kaliya ee wadahadaladaasi u matali doona Gobolada Awdal iyo Salal si aanay ugaga Iman Xukuumadda Siilaanyo mucaaradad adag oo diida shirkaasi. Sidoo kale Cawil waxa xiligan ku kalifay ayaa la hadal hayaa inay tahay in uu Madaxweyne Siilaanyo Beesha Galbeedka Burco ka waayay siyaasi ka soo bixi kara hawshaas oo uu xukuumaddiisa ka waayay nin leh ama buuxin kara Dublamaasiyada intaa leeg oo gaashaanka u daruuri kara beeshiisa. Dhinaca kale marka laga eegana maadaama ay xubnahani yihiin Mucaarad waxa uu u tusayaa Madaxweyne Siilaanyo raýul caamka in uu fursad u siiyo oo ay saaxadda lagu hagayo Siyaasadda Qaran ka qayb qaataan si aan looga dabahadal. Sidii dhacday oo kale safarkiisii hore ee Ingiriiska oo uu fursad tan oo kale ah ku Aamusiiyay Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Yuusuf Yaasiin taasoo u sahashay in ay dadweynuhu waayaan cid hagta oo tusta fikir ka duwan ka ay Xukuumaddau wadatay ee ah ka qayb galka Shirarka Somaliya oo ay labaatankii sano ee hore dab-cas ka bixin jireen marka la soo hadal qaado. Dhinaca kalena talaabada uu Siilaanyo ku soo xero galiyay ayay dad badani shalayba u tirjunteen inay tahay Fariin cad oo loo dirayay Eng: Maxamed Xaashi Cilmi wasiirkii Maaliyadda ee bedelay Cawil iyo Dr: Gaboose oo ah laba nin oo saaxiibo ah fikirka ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo wadatana si cad uga hor yimi. Dadka fikirkaa qaba ee shalayba sidaas u arkay waxa ay markiiba ku xidhiidhiyeen hoos ka tuurkii Siyaasadeed ee Xukuumaddii Rayaale iyo Urur Siyaasadeedkii Qaran kuwaasoo maryo dhiig leh kala furtay iyo hadaladii ugu danbeeyay ee Maxamed Xaashi iyo gaboose oo mucaaradad toos ah ku ahaa Madaxweyne Siilaanyo Qorshihiisa iyo Lunsigii Hantida dadweynaha ee ku aadanaa Rayaale iyo Cawil wakhtigii ay xilka hayeen ee uu ka jeediyay xafladii uu Maxamed Xaashi xilka ku wareejinayay. Is daba waydaarashada ay Maxamed Xaashi, Gaboose iyo Rayaale iyo Cawil isku weydaarteen afaafka Qasriga Madaxtooyadda ayaa muujinaya sida aanay siyaasadu saaxiibtinmo u lahayn ee ay dan joogto ah u tahay. Taasna waxa ka turjumaya sida Madaxweyne Siilaanyo iskugu bedelay Odayaasha muddo laba sano gudahood ah. Si kasta ha ahaatee waxa laga war-sugayaa warka la isku siiyay Qasriga Madaxtooyadu sida uu u midho dhalo iyo sida uu Madaxweyne Siilaanyo mar kale Siyaasadiisa wadahadalada Somaliya ugu Isticmaalo Rayaale iyo Cawil, iyo sida ay Maxamed Xaashi iyo Gaboose iyo inta soo raacdaa u naqdin karaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted March 30, 2012 Madaxweyne Siilaanyo oo Xilal u Magacaabay Wasiirro ka Tirsanaa Xukuumaddii u Dambaysay ee Rayaale iyo Xisbiga UDUB Last Modified: Thu 29th Mar,2012 Magacaabista hal Wasiir, 3 Agaasime Guud, Maareeyaha Madbacadda Qaranka iyo xil-ka-qaadista Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Hargeysa (Jam)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horreysay golaha xukuumaddiisa ku soo daray laba xubnood oo wasiirro ka ahaan jiray xukuumaddii Madaxweyne Rayaale iyo sarkaal sare oo ka tirsanaa guddiga fulinta xisbiga mucaaradka ah ee UDUB. Wareegtooyin Madaxweyne Siilaanyo soo saaray shalay waxa uu Wasiirka Wasaaradda iyo Boosaha u magacaabay Md. Cali Cilmi Geelle oo ahaa Wasiir-ku-xigeenkii u dambeeyey maamulkii Daahir Rayaale Kaahin ee Wasaaradda Warfaafinta, sidoo kalena Md. Cali Maxamed Cabdulle (Biikolo) oo isaguna ahaa Wasiiru-dawlihii Maaliyadda ayaa loo magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta, halka Md. Cabdillaahi Maxamed Jaamac (Carrey) oo hore u ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan xisbiga UDUB waxa loo dhiibay xilka Maareeyaha Madbacadda Qaranka. Laba wareegto oo midkood Madaxweynaha Somaliland ku magacaabay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo mid uu ku buuxiyey jagooyinka agaasimeyaasha guud ee saddex wasaaradood iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka oo bannaanaa, sidoo kalena xilkii kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Md. Cabdiraxmaan Cawil Xasan oo lagu beddelay Agaasimihii Hab-maamuuska ee Madaxtooyada Somaliland Mr. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) waxay u qornaayeen sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo lambarkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1002/032012 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga & Khayraadka Badda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka. Madaxweynuhu: Markuu arkay: Qodobka 90aad, faqraddiisa 3aad, xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha qaranka; Markuu arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka JSL; Markuu la tashaday: Madaxda ay khusayso; Markuu ku qancay: Inuu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan; Wuxuu go’aansaday; in laga bilaabo taariikhda maanta [shalay] ay ahaadaan Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Kalluumaysiga & Khayraadka Badda, Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska, Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka: 1. Mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case) (Xil hore waxa uu ahaa Agaasimihii Protocol-ka Madaxtooyada JSL), waxana loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda; 2. Mudane Abiib Axmed Cali, waxa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska; 3. Mudane Cali Maxamed Cabdulle (Bikolo), waxa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta; 4. Mudane Cabdillaahi Maxamed Jaamac (Carrey), waxa loo magacaabay Maareeyaha Madbacadda Qaranka. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cabdiraxmaan Cawil Xasan. Madaxweynuhu: Mudane, Waxaan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka qaranka ayay dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL. Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa inaad si niyad-sami ah ugu wareejiso xilkii aad haysay Mudane Maxamed Cilmi Aaden (Ilka-case) oo aan xilkaas u magacaabay. Waxa Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda oo warqaddani ogeysiin ugu socoto la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL.” “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo lambarkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1001/032012 ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta. Madaxweynuhu: Markuu arkay: Qodobka 90aad, faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraddu u leedahay dalka iyo dhismaha qaranka; Markuu arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee JSL; Markuu ka fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu ku qancay: Inuu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday; in Mudane Cali Cilmi Geelle laga bilaabo taariikhda maanta [shalay] uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee JSL,” ayuu Madaxweyne Siilaanyo degreetada uu ku magacaabay wasiirka cusub ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland oo bannaanayd tan iyo markii uu dhowr toddobaad xilkaas ka qaaday Dr. Axmed Xaashi Oday. Quote Share this post Link to post Share on other sites