Sign in to follow this  
kingofkings

President Sharif Goes to Iraq

Recommended Posts

Shariif oo u dhoofay Ciraaq

 

 

Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka dhoofay maanta 28,March 2012 Muqdisho iyagoo kusii jeeda Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, halkaasoo ay uga qaybgalayaan shirka Jaamacada Carabta oo berri furmaya.

 

Wasiir u dowlaha Madaxtooyada Somalia ayaa sheegay in Madaxweynaha ay la socdaan xubno isugu jira Wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Villa Somalia, ayna uga qaybgalayaan dalka Ciraaq shirka Jaamacada Carabta.

 

Shirka dalalka Carabta ay ku yeelanayaan Baqdaad ayaa waxaa looga hadli doonaa arimo ay ka mid yihiin: Xaalada Somalia, Rasbadhada Yemen iyo Kacdoonada dalka Syria, iyadoo xaaladaha dalalka go'aano laga soo saari doono.

 

Madaxweyne Sh. Shariif ayaa lagu wadaa inuu hadal ka jeediyo shirka, iyadoo ay noqonayso markii ugu horeysay oo dalalka Carabta ay shir ku yeeshaan Ciraaq tan iyo markii la riday dowladii uu hogaaminayay Sadaam Xuseen.

 

Safaarada Somalia ee Ciraaq ayaa waxay wadaan qorshayaal ay madaxweynaha iyo xubnaha la socda kusoo dhaweynayaan, waxaana ku sugan dalka Ciraaq qaar ka mid ah xubnaha dalalka Carabta uga qaybgalaya shirka.

 

Amaanka Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo lagu daadiyay wadooyinka ciidamo ka badan 10,000 oo askari oo Ciraaqiyiin ah, waxaana ka dhaca Magaaladaas Qaraxyo waaweyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haa, Xiinow Baqdaad 2 years ka hor waxba nama dhaamin (haddii aysan naga darneyn), haddase Shirka Jaamacadda Carabta ayayba marti galinayaan.. Insha Allaah, anaga kan IGAD ayaan ku bilaabi doonnaa 2014 ka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Dowlada FKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hor boodayo ayaa maanta u amba baxay magaalada Baqdad ee dalka Iraq.

 

Madaxweynaha oo safarkiisa ay ku wehliyaan wasiiro ka tirsan xukuumada iyo saraakiisha madaxtooyada qaarkood, ayaa uga qeybgalaya xarunta dalka Iraq shir madaxeedka Jaamacada Carabta oo birito halkaasi ka furmayo.

 

Wasiiru dowlaha madaxtooyada C/raxiin Cabdi Abiikar ayaa warbaahinta uga warbixiyey safarka madaxweynaha.

 

"Madaxweynaha waxa uu maanta u kicitimay dalka Iraq, safarkiisa waxaa ku wehliya wasiiro iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada, waxa uu halkaasi uga qeybgalayaa shir madaxeedka Jaamacada Carabta, waxa kale oo uu la kulmi doonaa madaxweynaha Ciraq oo ay is weydaarsan doonaa arimo ku saabsan laba dal," ayuu yiri C/raxiim Cabdi Abiikar

 

Iraq waxay waaya arag u tahay xaalada ay iminka kusugantahay Soomaaliya, sidaasi daraadeed labada madaxweyne waxay is weydaarsan doonaan aragtiyo ku saabsan sidi Soomaaliya ay uga bixi laheyd xaaladaha amaan darri.

 

Sheekh Shariif ayaa dalka dib ugu soo laaban doono 30-ka bisha March ee aan ku guda jirno.

 

Dhanka kalana waxaa maanta magaalada Muqdisho kusoo laabtay Ra'isulwasaaraha Soomaaliya, C/wali Maxamed Cali kadib sadex cisho oo uu ku maqnaa magaalada Gaalkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad, halkaas oo uu maanta ka furmay shirka wadamada ku bohoobay Jaamacadda Carabta.

 

Shirka oo looga hadlayo xiisadda ka taagan mudada sanadka ah dalka Suuriya ayaa waxaa soo xaadiray oo kaliya 10-dowladood oo ka mid ah 22-da dowladood oo ku bohoobay ururkaasi.

 

Waa shirkii ugu horeeyay oo mudo 22-sano kadib lagu qabto dalka Ciraaq, magaalo-madaxdiisa Baqdaad.

 

Waxaa shirkan sidoo kale goob-joog ah hoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Bandki Moon.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this