Sign in to follow this  
kingofkings

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wefdi uu horkacayo oo Gaalkacayo ka dhoofay

Recommended Posts

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa goor dhow ka duulay garoonka Cabdilaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacayo.

 

Mas’uuliyiintaas oo beryihii u danbeeyey magaalada Gaalkacyao ku sugnaa waxaa horkacayey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

 

Prof. Gaas iyo wefdigiisu waxay qayb ka ahaayeen mas’uuliyiin tira badan oo uu hormuud u ahaa madaxweynaha dalka kuwaas oo labo beri kahor Gaalkacayo soo gaarey.

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu sidoo kale kamid ahaa mas’uuliyiintii ka qayb galay aaskii qaran ee magaalada Gaalkacayo loogu sameeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya AHN Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

 

Wuxuu sidoo kale ka qayb galay shirkii ay magaalada Gaalkacayo ku yeesheen saxiixayaasha Road map-ku kaas oo ay go’aamo dhowr ahi kasoo baxeen.

 

Madaxweyne Shiriif oo isna kamid ahaa mas’uuliyiintii shirkaas ka qayb galay ayaa shalay magaalada Gaalkacayo ka dhoofay dibna ugu laabtay magaalada Muqdisho.

 

Si kastaba ha ahaatee ammaanka magaalada Gaalkacayo ayaa beryihii u danbeeyey ahaa mid si aad ah loo adkeeyey waxaana weli ku sugan madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this