Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Ahmed Siilanyo appoints new positions

Recommended Posts

Madaxweynaha Oo Magacaabay Wasiirka Boosaha iyo Laba Agaasime

March 28th, 2012

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta magacaabay Wasiirka cusub ee wasaaradda Boosaha Iyo isgaadhsiinta, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Ganacsiga iyo Maareeyaha Guud ee Madbacadda qaranka.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) kaasi oo u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1002/032012, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga & Khayraadka Badda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka.

 

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud iyo Maareeyaha Madbacada Qaranka JSL.

 

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso.

 

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In laga bilaabo taariikhda maanta ay ahadaan Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Kalluumaysiga & Khayraadka Badda, Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska, Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka.

 

NO MAGAC-YADA MASUULIYIINTA CUSUB WASAARADDA LOO MAGACAABAY XILKA LOO MAGACAABAY

1 Mudane, Maxamed Cilmi Aaden (Ilka-case)

(Xil Hore waxa uu ahaa Agaasimihii Protocol-ka Madaxtooyada JSL) Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Agaasime Guud

2 Mudane, Abiib Axmed Cali Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska Agaasime Guud

3 Mudane, Cali Maxamed Cabdulle (Bikolo) Wasaaradda Dib-u-dejinta Agaasime Guud

4 Mudane, Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Carey) Maareeyaha Madbacadda Qaranka Maareeye

 

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Mudane, Cabdiraxmaan Cawil Xasan

Madaxweynuhu:-

Mudane,Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay.

Xilalka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

 

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL.

 

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Maxamed Cilmi Aaden (Ilka-case), oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

 

Waxa Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this