Somalina Posted March 27, 2012 Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Waxaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan Saraakiil hore dhac ah oo ka socta midowgga Africa gaar ahaan dalka Jabuuti, waxaana ku soo dhaweeyay magaalada mas’uuliyiinta maamulka gobollka iyo saraakiisha dowladda Itoobiya. Wafdiga ayaa markii ay soo gaareen xarunta maamulka ee magaalada Beledweyne, waxaa ay kulan gaar ah la galeen mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan iyo saraakiisha dowladda Itoobiya ee ku sugan magaalada, kuwaasoo ay ka wada hadlleen ujeedada socdaalka wafdiga ka tirsan midowgga Africa. Markii uu soo dhamaaday kulanka ayaa waxaa warbaahinta la hadllay guddoomiyaha maamulka gobollka C/fitaax Xassan Afrax oo ka warbixiyay socdaalka wafdiga iyo waxyaabihii ay ka wada hadlleen. "Wafdigan waxaa ay ka socdaan midowgga Africa, gaar ahaan dowladda Jabuuti, sidoo kale waxaa wahliya diblumaasiyiin ka socta safaarada Itoobiya, ujeedada socdaalkooda waxaan ku soo koobi karnaa in ay sahan ama dhac u yihiin ciidamo ka socda dowladda Jabuuti qeybna ka ah kuwa AMISOM oo dhawaan lagu wado in ay soo gaaraan magaalada Beledweyne,’’ ayuu yiri,’ C/fitaax Xassan Afrax. Wuxuu intaa ku darray C/fitaax in ay si gaar ah uga wada hadlleen saraakiishan iyo kuwa Itoobiya arrimo ay ka mid yihiin amaanka, iyo waliba cimilada magaalada sida uu hadalka u dhigay, iyo waliba goobaha ugu muhiimsan ee ciidamada la dajin karo. Saraakiisha maanta gaartay magaalada Beledweyne ayaa waxaa hogaaminayay Gen Cismaan Dubad oo sida la sheegay hogaamin doona ciidamada Jabuuti ee tagi doona magaalada Beledweyne. Guddoomiyaha gobollka Hiiraan ayaa dhinaca kale waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in ay bixi doonaan ciidamada dowladda Itoobiya, isaga oo sheegay in ciidamada Itoobiya aysan bixin doonin islamarkaan horay ugu sii socon doonaan qeybaha kale ee gobollka. Ugu dambeytii waxaa baaqay u dirray C/fitaax Xassan Afrax hay’addaha samafalka isaga oo sheegay in wixii hadda ka danbeeya ay aysan jirin wax lagu marmarsiyoodo sida uu hadalka u dhigay, maadaama xaalada naabad-galyada tahay mid hagaagsan, islamarkaana soo gargaraan dadka dhibaateysan. Quote Share this post Link to post Share on other sites