Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland community in the UK welcome SL ministerial delegation PICS

Recommended Posts

XAFLADII JAALIYADA REER SOMALILAND EE UK AY KUSOO DHAWEYNAAYEEN MADAXDII DHAWAN SOMALILAND KASOO KICITIMAY

 

Published: 26/03/2012 @21:46

 

Waxa lagu qabtay badhtamaha magaalada London xaflad aad u qurux badan

oo si weyn looga soo shaqeeyey xafladaas oo ay soo qaban qaabisay

ururka Vision and change ,Xafladaas oo ay kasoo qaybgaleen dad aad u

fara badan oo kasoo kala kicitimay London iyo gobolada dalkan

Ingiriiska, xafladaas oo isugu jirtay soo dhaweyn iyo waraysiba,

dadkii kaloo qaybgalay waxa ay ka koobnaayeen bulshada reer

Somaliland, Aqoonyahan,Haween,Wayeel iyo dhalinyaraba.

 

 

Waxa masuuliyiintii kasoo qaybgalay ka mid ahaa Wasiirka Arimaha

Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo xaflada kasoo

jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, waxa uu mudane

Duur ka hadlay Shaqaaqooyinkii ka dhacay bariga Somaliland oo uu

sheegay in arinkeedu meel wacan maraayo sheegayna in nabadu ay tahay

wax wacan Somalilandna ay si nabad galyo ah arinka ku xalin doonto,

waxa kale oo uu wasiirku soo qaatay talaabadii ay dawladu qaaday ee

ahayd in suuqa Hargaysa wax weyn laga bedelo si bilicda iyo sharafta

casimada sare loo qaado. Waxa uu carabaabay in dadkii dhawaan suuqyada

caasimada laga raray ay u arkeen ina ay noloshooda bad-baadinayeen

tasoo uu tusaale usoo qaatay in hadii DAB ka qarxo ay dad badani ku

naf waayi karaan. Waxa uuna sheegay inay meelo kale oo dadku degaan u

sameeyeen qaarna ay u sameyn donaan.

 

Waxa uu sheegay Mudane Duur in Wasaarada arimaha dubadu ay tahay

wasaarad aad u balaadhan oo aad u shaqo badan ayna tahay wasaarad ay

hoos yimaadaan arimaha ugu culus oo laga qabto dalka,xaga nabadgalyada

iyo amaanka dalkaba. Waxa ay khudbadiisa aad looga helay dadkuna ay

aad u dhageysanaayeen.

 

Wasiirka cadaalada Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid uu isma

khudbad aad u dheer madasha kasoo jeediyey ayaa aad ugu amaanay dadkii

madashan aadka u quruxda badan soo qaban –qaabiyey iyo dhamaan

jaaliyada Somaliland sidii quruxda badnayd ee dalkan naloogu soo

dhaweeyey. Mudane Xuseen waxa uu wasaarada cadaalada sharaxad badan ka

bixiyey in wasaradu ay qabato hawl aad u culus oo xaga xaqsoorka iyo

maxkamadaha,waxa sidasoo kale uu sheegay in ay dhawaan qadeen

hagaajinta iyo dib u habayta qaybaha kala duwan ee wasaarada. Waxa

kale oo uu ka waramay arimo aad u fara badan oo ku saabsan Wasaarada

iyo dhamaan horumarka dalkaba.

 

Suldaan Maxamuud Xaaji Huseen oo ka mid ah suldaanada Reer Somaliland

ee dalkan degan ayaa isna soo jeediyey hadalo isugu hira ALLA ka cabsi

iyo horumarka, waxa kale oo uu suldaanku aad uga shekeeyey arimo badan

oo ku saabsan dhaqanka iyo arimaha bulshada.

 

Dr Cabdiraxmaan Ubaxle oo dhawaan loo magacaabay Wakiiilka wakaalada

qurbajooga iyo xidhiidhka jaaliyadaha, waxa uu mahadnaq usoo jeediyey

dhamaan bulsha weynta Somaliland iyo dadkii soo abaabulay xafladan

quruxda badanba, Wakiilku waxa kale oo uu sheegay in xilkan culus ee

loo soo magacaabay aanu kaligii wadi Karin hadii aan shacabka reer

Somaliland ee dalkan UK degani aanay wax la qaba.Waxaanu rajo weyn ka

qabaa in ay wax la qaban

 

donaanShacabweynaha reer Somaliland ee UK.sidaa soo kale uu sheegay

inuu soo dhaweynaayo cidkasta oo ka tirsan shacabka rayigooda iyo

wixii talo iyo tusaale ahba, waxa uu intaas ku daray in aanay jirin

wax far galin ah oo loo geysanaayo dadka haysta mashruucyada bulshada

loogu adeego ee dalkan degan lakiin ay tahay uun isku xidhka iyo kor u

qaadida arimaha aan doonayno inaynu qabano.

 

Waxa kale oo ka hadlay madax fara badan oo ka socda bulshada kala

duwan oo dhamaantood xaflada kasoo jeediyey hadalo kala duwan oo aad

loogu farxay, waxaana ka mid ah SSUK,URURKA MARWO,iyo dad kale oo aad

qadarin ku leh shacabka Somaliland.

 

Waxa aan idiin soo gudbin donaa VIDEO kusaabsan shirka ee lasocda

qaybaha danbe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this