Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Minnesota community welcome SL state minister of finance Cadaani PICS

Recommended Posts

Jaaliyada Reer Somaliland ee ku dhaqan Gobolka Minnesota, ayaa Casho -Sharaf u samaysay Wasiirul-Dawlha Maaliyada Somaliland Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani).

 

27/03/2012

 

Jaaliyada Reer Somaliland ee ku dhaqan Gobolka Minnesota, ayaa Casho -Sharaf u samaysay Wasiirul-Dawlha Maaliyada Somaliland Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani).

 

Wasiirrul-Dawlaha oo Ku sii Jeeda Jamhuuriyada Somaliland, ayaa Jaaliyada Kala qayb qaatay kulankaas, iyada oo ay Goobta isugu yimaadeen Culumaa-udiin,Guurti, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween.

 

Kulankaas oo Ku Saabsanaa, sagootin, iyo dardaaran, waxaa goobta ka hadlay Guurtida jaaliyada Reer Somaliland,iyo Somaliyaba.

 

Iyagoo ku amaanay, waxqabadkiisa, maadaama uu yahay nin bulshada Somaliland iyo Somaliayaba ahaa nin ka dhexmuuqday, kuna sifoobay,daacadnimo,iyo xilkasnimo.karti, waxay ilaahay uga baryayaan inuu xilka loo igmaday, ilaahay u fudaydiyo.

 

Waxaa taariikhdiisa oo kooban ka sheekeeyay Maxamed Aar, waa sida uu u dhigaye, Cismaan Cabdilaahi saxardiid waxa uu ku dhashay Gobolka Sanaag, waloo aanu noo sheegin sanadkii, waad fahmi kartaan Reer Magaalku AGE ka waa yara qariyaan. Mr Cismaan waxa uu schoolka ka ka bilaabay magaalada hargaysa, dugsigiisi sarena wuxuu ku qaatay Sheekh,Secondry School, wuxuu noqday Gudoomiyaha ardayda. Sanadkii 1980 wuxuu soo galay wadanka maraykanka,New York halkaas oo uu ka galay jaamacad. Mr. Cismaan wuxuu noqday Gudoomiyihii Ugu horeeyay ee ururkii dhaq-dhaqaaqa wadaniga soomaaliyeed ee SNM 1989 ee North America

 

Ugu danbayntii Wasiirul-Dawlaha oo lagu soo dhaweeyay Gacmo Furan, ayaa dadkii u mahadnaqay gaar ahaan Ururka Haweenka Somaliland, oo soo qabanqaabiyay kulankan

 

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa, walaalayaal waad ogtihiinoo waxaynu nahay dad ku wada noolaa Gobolkan Minnesota, waxaan naftaydii iyo maalkaygiiba u huray, inaan wadankaygii hooyo aan u shaqeeyo, gaar ahaan dadka aad u jilicsan, ee u baahan naxariista dheeraadka ah.

 

waxaan ku balan qaadayaa inaan sinaan iyo cadaalad ku shaqeeyo, xoolaha umaddana aanan ku takrifalin, iyada oo aad taas ogsoontihiin, inaan laygu xaman musuqmaasaq, dhaqankaygana aanay ahayn.

 

Waxaan rabaa inaan isu soo dhaweeyo dadka walaalaha ah ee Reer Somaliland, Bari Ilaa galbeed, iyada oo aan ogsoonahay in dadku yihiin wiil iyo abtigii, waxaan ku dadaalayaa, in wiilka iyo abtigii gacmaha is qabsadaan.

 

Waxaan idiinku balanqaadayaa, inaan Xaqa u hiilindoono, hadaan arko wax khalad ah inaan noqonayo qofka ugu horeeya ee Cod-Dheer ku Odhanaya Waxaasi waa khalad.

 

Gabagabadii wuxuu wasiirul-Dawluhu kula dardaarmay jaaliyada Reer Somaliland ee Minnesota inay marwalba gacmaha is qabsadaan, kana shaqeeyaan horumarinta wadanka.

 

Dadwaynihii Goobtaas joogay oo ay gashay yididiilo wayni maadaama Wasiirul-Dawluhu ka mid yahay Jaaliyada Reer Minnesota, ayaa aad u soo dhaweeyay, magacaabistaa Mr Cadaani, runtii aadna ugu farxay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this