Somalia Posted March 27, 2012 @Abwaan, this is my last one I hope, don't get mad at me Mujaahid Geedi and ambassadors from Italy, Australia, Iran, Ethiopia, Saudi Arabia, Algeria and the UN. Also Foreign Minister of Kenya Moses Wetangula. _________________________________________________________ Safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa u furtay buuga tacsida madaxda Soomaalida ee ku dhaqan Kenya iyo dublamaasiyiinta shisheeye. Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo furay buuggga tacsida iyo baroor diiqda loo samaynayo madaxweynihii hore C/laahi Yuusuf Axmed oo shalay lagu aasay magaalada Gaalkacyo ayaa u duceeyay madaxweyne Yuusuf oo uu ku tilmaamay inuu ahaa nin qaranka u soo halgamay. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo kasoo qaybgalay baroor diiqda ayaa ku tilmaamay C/laahi Yuusuf inuu ahaa nin ay ka go’antahay midnimada Soomaaliya. Waxaana uu sheegay inay wax badan wada qabteen intii ay wada shaqaynayeen taasoo ay kamid ahayd furitaanka safaarada Soomaaliya ee magaalada Nairobi. Safiirrada wadamada Maraykanka,Talyaaniga,Australia,Itoobiya,Iiraan,Sucuudi Carabiya,Algeria, qaramada midoobay iyo wasiirka arrimaha dibada ee dalka Kenya Moses Wetangula ayaa u yimid safaarada inay tacsi u diraan shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskii madaxweyne Yuusuf iyagoo tacsidoodana ku saxiixay buugga tacsida. Waxaana safaarada la suray sawirka marxuum C/laahi Yuusuf madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Dhammaan safiirradii kasoo qaybgalay baroor diiqda ayaa uga tacsiyeeyay Soomaalida geeridii ku timid madaxweynihii hore. Xildhibaano iyo madax kala duwan oo kamid ah DKMG ah ee Soomaaliya ayaa iyaguna qayb ka ahaa baroor diiqda oo ay sidoo kalana ka qayb galeen shacab ka kala yimid magaalooyinka kala duwan ee dalka Kenya. Safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi ayaa sheegtay inay buuga tacsida uu furnaan doono maalmaha soo socda si fursad loo siiyo dublamaasiyiinta kala duwan ee ku dhaqan dalka Kenya, kuwaasoo doonaya in farriinta tacsida ay u gudbiyaan DKMG ah ee dalka Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 27, 2012 Xildhibaanadaas Nayroobi iska fadhiyo la yaabaa. Some of them live in Nayroobi more than two-thirds of the year. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted March 27, 2012 Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;810240 wrote: Xildhibaanadaas Nayroobi iska fadhiyo la yaabaa. Some of them live in Nayroobi more than two-thirds of the year. Hayeey adigaa haddana lagugu mashquulaa ee ka joog, dignitaries-ka wax haka sheein:D Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdul Posted March 27, 2012 Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;810240 wrote: Xildhibaanadaas Nayroobi iska fadhiyo la yaabaa. Some of them live in Nayroobi more than two-thirds of the year. The only time they go to Somalia is end of the month to collect their 'salary' to pay for hotel bills. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 27, 2012 Got to love that picture. Quote Share this post Link to post Share on other sites