Sign in to follow this  
Saalax

Xukuummada Tababar Uga Furtay 360 Askari Xarunta Ciidamada Ee Degmada Mandheera

Recommended Posts

Saalax   

Xukuummada Tababar Uga Furtay 360 Askari Xarunta Ciidamada Ee Degmada Mandheera.

 

Mandheera (Ramaas) Mar, 26, 2012- 360 askari oo cusub, ayaa maanta tababar socon doono afar bilood uga furmay xerada ee ciidamada ee degmada Mandheera oo ka tirsan gobolka Saaxil.kuwaasoo ah arday wax ka baratay dugsiyada sare iyo jaamacadaha dalka.

 

 

 

Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha gudaha Cismaan Garaad Soofe, oo ka hadlay munaasibadii furitaanka tababarka ciidamada cusub, ayaa sheegay in tababarkan uu qayb ka yahay kor u qaadida tayada ciidanka booliska, oo dib u habayn lagu samaynayo, isaga oo sheegay in ay dhalinyarada la xushay in wax badan ku soo kordhin doonaan aqoonta shaqo ee booliska.

 

 

 

Waxaana uu sheegay dhalinyarada cusub ee ciidamada la qoray laga soo xulay gobolada iyo degmooyinka dalka, isla markaana ay ka hawlgeli doonaan meelo kala duwan, marka uu layligu u dhamaado afar bilood ka dib,

 

Ku simaha taliyaha ciidanka booliska Somaliland ahna madaxa hawlgalada Cabdilaahi Iimaan Fadal oo isna ka hadlay halkaas, ayaa sheegay in ay askartan cusub ku soo xusheen khibrada aqoon ee ay leeyihiin. Waxaana uu ku dhiirigeliyay in ay shaqada ay ummada u hayaan si wanaagsan u gutaan.

 

 

 

 

Ramaasnews Desk

 

 

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this