Saalax Posted March 26, 2012 Xukuummada Tababar Uga Furtay 360 Askari Xarunta Ciidamada Ee Degmada Mandheera. Mandheera (Ramaas) Mar, 26, 2012- 360 askari oo cusub, ayaa maanta tababar socon doono afar bilood uga furmay xerada ee ciidamada ee degmada Mandheera oo ka tirsan gobolka Saaxil.kuwaasoo ah arday wax ka baratay dugsiyada sare iyo jaamacadaha dalka. Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha gudaha Cismaan Garaad Soofe, oo ka hadlay munaasibadii furitaanka tababarka ciidamada cusub, ayaa sheegay in tababarkan uu qayb ka yahay kor u qaadida tayada ciidanka booliska, oo dib u habayn lagu samaynayo, isaga oo sheegay in ay dhalinyarada la xushay in wax badan ku soo kordhin doonaan aqoonta shaqo ee booliska. Waxaana uu sheegay dhalinyarada cusub ee ciidamada la qoray laga soo xulay gobolada iyo degmooyinka dalka, isla markaana ay ka hawlgeli doonaan meelo kala duwan, marka uu layligu u dhamaado afar bilood ka dib, Ku simaha taliyaha ciidanka booliska Somaliland ahna madaxa hawlgalada Cabdilaahi Iimaan Fadal oo isna ka hadlay halkaas, ayaa sheegay in ay askartan cusub ku soo xusheen khibrada aqoon ee ay leeyihiin. Waxaana uu ku dhiirigeliyay in ay shaqada ay ummada u hayaan si wanaagsan u gutaan. Ramaasnews Desk Hargeisa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 26, 2012 Good i like this Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 26, 2012 A university graduate policeman ,,,, that is what i'm talking about Quote Share this post Link to post Share on other sites