Somalia Posted March 26, 2012 Minneapolis (RBC Radio) Maalintii ay Taarikhdu ahayd 24 March 4tii Galabnimo ee saacadii Minneapolis ayaa waxaa ka furmey shir balaaran oo ay isugu yimaadeen 14 Maamul Goboleed oo looga hadlayey aayaha Soomaaliya. Shir ayaa soo qabanqaabiyeeen ururka lagu magacaabo TIIR PARTY, Maamul Goboleedyadii kasoo qeygalay ayaa waxa ay kala ahaayeen. 1) Azaania State of Somalia (9) juba and jazira state of Somalia 2) Awdal State of Somalia (10) Khaatumo State of Somalia 3) Banaadir land State of Somalia (11) Mareeg State of Somalia 4) Ceelbuur State of Somalia (12) Middle Land State of Somalia 5) Galmudug State of Somalia (13) Maakhir State of Somalia 6) Hiiraan state of Somalia (14) Udubland State of Somalia 7) Jubaland State of Somalia (15) West Puntland State of Somalia 8) Jubba Raas State of Somalia (16) Ximan iyo Xeeb State of Somalia Ugu horey shirka waxaa furay Madaxa heyada Tiir Mudane Faadhil Sh. Maxamuud isaga oo ugu horey uga mahadceliyey ergada Maamul Goboleedyada kasoo qeybgalka Shirka, waxa uuna ku booriye in xilka ay umada Soomaaliyeed ay daacadnimo ku jirto ay ugu adeegaan shacabkooda. Shirkaan ayaa qodobadii ugu muhiimsanaa ee looga hadlayey ayaa kala ahaa 1- Marxalada kala guurka ah ee uu dalka marayo 2-Horumarinta dalka, deegaanada Maamul Goboleedyada ay ka jiraan 3- Dhanka Waxbarashada 4-Amniga Wakiilada Maamul Goboleedyada ayaa waxay isla gartey in ay maamuladu soo dirsadaan xubno kooban oo kawada shaqeeya sidii dadaalada socda aan wada jir uga qayb qaadan lahayn loona muujin lahaa midnimo, wax wada qabsi iyo aayo katalin Soomaliyeed. Ugu Danbeyntii Dhamaan Wakiilada iyo Ururka Tiir Party waxey si wada jir ah tacsi tiiraanyo leh u direen qoyskii, eheladii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Madaxweynihii hore ee Soomaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed oo Jimcihii, March 23, 2012 ku geeriyooday Dalka Isutagga Imaaraadka Carab, waxeyna ilaah uga baryeen marxuum Cabdullaahi Yusuf Ahmed inuu naxariis iyo danbi dhaaf siiyo, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo. Kamaal C Bare RBC Minneapolis Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 26, 2012 Is this a joke Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted March 26, 2012 Political Party of Decentralization and Local State's. Could become an ideological and influential player in Parliament. If could form a contra power against centralization and for decentralization Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 26, 2012 ^100% correct Quote Share this post Link to post Share on other sites