Sign in to follow this  
Saalax

Galmudug Waan In Aad Naga Ogolaataan Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo In Loo Bixiyay C/lahi Yusuf

Recommended Posts

Saalax   

Madaxweyne Shariif : Galmudug Waan In Aad Naga Ogolaataan Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo In Loo Bixiyay C/llahi Yuusuf Axmed

 

 

 

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Gaalkacyo (RBC) Munaasabad maanta ka dhacday koonfurta magaalada Gaalkacyo oo uu ka arrimiyo maamulka Galmudug, ayaa waxa ka qeybgalay madaxda dowaldda KMG ah Soomaaliya.

Munaasabada oo ummuuqaatay, mid lago soo dhaweynaayo madaxda KMG ah oo hadda ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug,ayaa waxa soo qaban qaabiyay maamulka Galmudug,

Waxa uu ugu horeyn munaasabada ka hadlay madaxweynaha Maamulka Galmudug, Maxamed Axmed Caalin, wuxuuna sheegay in sharaf u tahay in ay soo booqdaan madaxda DKMG ah magaalada Gaalkacyo.

Inta ka dib waxa ka hadlay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, isagoo ugu horeyn sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin sida loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo dhinaceeda koonfureed.

Madaxweyne Shariif ayaa soo hadal qaaday, in ay jeclaan lahaayeen in la isku furo magaalada Gaalkacyo, oo hadda uu ka arrimiyo labo maamul, wuxuu kaloo sheegay madaxwyenaha in ay dadka ku nool deeganada Galmudug ay la qaataan qorshaha ku aadan in Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo loo bixiyo marxuum C/llahi Yuusuf Axmed oo shaley lagu aasay meel duleedka ka ah, garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Madaxweynaha waxa uu yiri :” Annaga waxa aan jeclaan lahayn in Garoonkan uu noqdoo garoon caalami, oo Soomaali oo dhan uu ka dhexeeyo, in kastoo hadda uu yahay mid qabiil iyo maamul gobaleed.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay taageersan yihiin, maamulka Galmudug, oo ka arrimiya gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ka hadlay goobta ra’iisal wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas, wuxuu sheegay in ay u mahadcelinaayaan maamulka Galmudug sida wanaagsan oo ay u soo dhoweyeen wafdiga DKMG ah ee ku sugan Gaalkacyo.

Munaasabadii Logu Soo dhoweynayay Mas’uuliyiinta Dowladda Oo Soo gaba’gaboowday

Waxa munaasabada waxa goob ka ahaa xubno katirsan golaha wasiirada, guddoomiyaha maxkamadda sare, xildhibaano, Mas’uuliyiinta maamul goboleedka Galmudug, iyo dadka ku dhaqan koonfurta Gaalkayco.

Wafdiga madaxweynaha ayaa ilaa shaley ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, ka dib markii ay ka qeygaleen aaskii madaxweynihii horre Soomaaliya, Cabdulaahu Yuusuf Axmed oo dhawaan ku dhintay dalka isu-taga imaaraadka Carabta 23-kii bishan.

Munaasabada oo lagu qabtay Hotelka Inbaasa oo kuyaal koonfurta magaaladda Gaalkacyo, ayaa waxa markii ay soo dhamaaday, wafdiga dowlads ay u sii gudbeeyn dhinaca waqooyiga Gaalkacyo oo uu ka furmaayo maanta galinka dambe shirka Habraaca marxalada kala guurka ee ay saxiixeyn lixda saxiixayaasha.

RBC Radio

——————-

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

There should be a compromise possible, Abdullahi Yusuf/Mahamed Farax Aidiid International Airport.

 

Many Airports have multiple names. why not Galkacyo Airport. no need to fight over names.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Carafaat;809690 wrote:
There should be a compromise possible,
Abdullahi Yusuf/Mahamed Farax Aidiid International Airport.

 

Many Airports have multiple names. why not Galkacyo Airport. no need to fight over names.

:D

 

Not bad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this