Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:Wadani political party supporters huge turn out in Caynabo

Recommended Posts

Caynabo: Taageerayaasha Wadani oo isku soo bax mugle ku soo khatimay Tirada Madaxtaabashada ahaa

March 25th, 2012 Comments Off

 

a href=”http://www.somaliland.org/images/b/2012/03/CAYNABA2-1.jpg”>Caynaba (Somaliland.Org) -Kumanaan ka tirsan taageerayaasha Urur-siyaasadeedka Waddani ayaa saaka isugu soo bax balaadhan ka sameeyay bannaanka weyn ee koonaha magaalada Caynaba ka dib markii ay xaruntii uu Ururkaasi ku lahaa magaalada Caynaba qaadi wayday dadweynaha halkaas iskugu soo baxay.

 

Tiro koobka Ururrada siyaasadda ee Guddida diiwaangalinta oo ay saaka u ahayd maalintii ugu dambeysa tirada madaxtabashada ah ee lagu samaynaayo Ururada siyaasada isku diiwaangaliyey, waxana lagu soo khatimay Magalada Caynbo ee Gobolka Cayn, iyada halkii tiro koobkaas madaxtabashad ah laga samayn lahaa Magalada Laascaanood ay Guddida Diiwaangelintu u soo rartay Magalada Caynabo.

 

Waxaa shalay gelinkii dambe ilaa xalay laga dareenamay Magalada Caynabo dhaq-dhaaqa Ururada Siyaasada iyaga oo midka gaarkiisa u abaabulayay taageerayaashiisa si uu u buuxiyo tirada madax taashadaba ah.

 

Waftiga uu hogaaminaayo Maayar ku xigeenka Caasimada Hargeysa MD Maxamed Cabdilaahi Uur cade oo dadweyne tira badan halkaas kula hadlaya ayaa u mahad naqay dadka reer Caynabo “Maanta waa maalintii ugu dambaysay ee tirada madaxtabashada ah ee ay wadaan Guddida Diiwaangelintu, waxanan idin sheegayaa in Ururka Wadani dhamaan shantii Gobolk ee kale uu wacdaro layaableh ka dhigay, maantana aad idinku markhaati ka tihiin inaad dhaafteen halkii la idinka rabay, taasina waa guul u soo hoytay Taageerayaasha Ururka iyo dhamaan cidii wanaaga jecelba.”sidaas waxa yidhi MD Uur cade.

 

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Axmed Cali Ubaxle oo ka mid ah Madaxda Ururka Wadani, waxaanu sheegay in reer Caynabo yihiin dad isku tiirsan oo hadafkoodu midaysan yahay, taas oo uu carabka ku dhuftay in Ururka Wadani qadarin weyn u hayo reer Caynabo.

 

Waxaa kaloo dadweynaha halkaas kula hadlay Axmed Muumin Seed oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiintirada aadka u balaadhan ee ka soo xaadirtay goobta madax tirinta, waxaanu dadweynaha reer Caynao ku booriyay inay halkaas ka sii wadaan taageerida ay u hayaan Ururka Wadani oo haatan noqtay Ururka ugu cad-cad ururada Siyaasada.

 

Sidoo kale waftiga baladhan oo ka tirsan Urur Siyaasadeedka Wadani uu hogaaminaayo Maayar ku xigeenka Caasimada Hargeysa MD Maxamed Cabdilaahi Uur cade ayaa dib ugu soo laaban doona caasimada Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this