Sign in to follow this  
Mukulaalow

Welcome to Abdulahi Yusuf Airport.

Recommended Posts

We Had Egal airport, Adan Adde Airport, and now Galkacyo airport has been named after the ex president, A/Lahi Yusuf.

 

 

 

 

 

 

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo ayaa maanta si rasmi ah loogu magac daray madaxweynihii hore ee Soomaaliya AHN Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo munaasabadii aaskia qaran ee marxuumkaas loo sameeyey ka hadlay ayaa arintaas shaaca ka qaaday.

 

Wuxuuna intaas ku daray in uu go’aankaas kala tashaday madaxda DKG ah ee Soomaaliya gaar ahaan madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

 

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo oo horay magac la’aan u ahaa ayaa noqonaya (Abdalla Yusuf Airport), magacaas oo xusuus ku reebi doona maanka bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland.

 

Alle ha u naxariistee Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya islamarkaana ahaa asaasihii dowladda Puntland waxaa maanta aas qaran loogu sameeyey magaalada Gaalkacayo.

 

Waxaana talaabadan uu madaxweyne Faroole qaaday ee ah in uu garoonka diyaaradaha ee Gaalkacayo marxuumkaas geeriyoodey ugu magac daray ay noqonaysaa mid lagu weyneynayao sumcaddii uu Cabdilaahi Yuusuf lahaa iyo taariikhda lama ilaawaanka ah ee uu reebay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Shariif oo ku dhawaaqay in Garoonka diyaaradaha Galkacyo loogu magac daray Col. C/llaahi Yuusuf

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay in garoonka diyaaradaha Muqdisho loogu magac daro Madaxweynihii hore Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta lagu aasay Waqooyiga Galkacyo.

 

Khudbad uu gaba gabadii ka jeediyay aaska kadib markii Marxuum C/llaahi Yuusuf iilka loo dhigay qabriga ayaa sheegay Maamuus qaran darteed Garoonka diyaaradaha Galkacyo loogu magac daro Madaxweynihii hore.

 

Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa codsaday in aan culeys la saarin reerka Madaxweynihii hore, ayna wax dab ah shidan, isagoo kale waxaa uu ku dar daarmay in aan la dhisin qabriga.

 

"Waxaan rabaa inaan ka dhawaajiyo sharciga sida uu inoo sheegayo waxa waaye reerka inaan culeys la saarin oo dab la shidan, waxaa rabnaa boorka inaan iska jafno oo Sunada uga faa'ideysano sida ay ina fareyso, mar kale waa ku celinayaa marka geeri dhacdo 3-maalmood inaan dab la shidi karin, raashinka isagoo bisil loo keeno reerkana aan culeys la saarin waa sida waafaqsan Sunada sida kutubta yar yar ee Fiqiga inoo sheegeyso"

 

"Sidoo kale Qabriga lama dhiso, waxaa jirta in marka qof la aaso in dhagxaan lala boodo, oo wax la dhiso, Sunada ma waafaqsana, taas ayaan isu dar daarmeynaa"ayuu sii raaciyay Madaxweynaha hadalkiisa.

 

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in intii uu ka bartay Madaxweynihii hore uu ahaa shaqsi saameyn badan ku reebay, Soomaalinimada uu ahaa mid saameyn uu ku lahaa, taasoo uu xusay in la xusuusnaado.

 

"Ninkii wax gaar ah u tabanaya iyo wax guud inuu iska cafiyo, aan ka faa'ideysano oo camal wanaagsan aan la nimaado, waxaan codsanayaa in garoonka diyaaradaha loogu magac daro maamuus aan maamuseyno darteed, howsha qaran uu soo gutay darteed loogu magac daro garoonka diyaaradaha Galkacyo"ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay isla garteen in Marwadii uu ka geeriyooday Madaxweynihii hore la gudoonsiiyo Calanka Soomaaliya, inkastoo aanay qabuuraha lagu aasayay Marxuumka aanay goob joog ka aheyn.

 

Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf ayaa ku dhashay magaalada Galkacyo sanadkii 1934-tii, siyaasada ayaa waxaa uu ku soo jiray in ka badan 40-sano, isagoo ahaa ninkii u horeeyay ee Jabhad mucaarad sameeya oo ka soo horjeeda Dowladii keli taliska aheyd.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this