Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland and Somalia communities historical meeting in Canada

Recommended Posts

flagst.jpg

 

Kulan Taariikhi ah oo Canada ay ku yeesheen Jaaliyadaha Somaliland iyo Soomaaliya

 

March 25, 2012

 

Ottawa Mar 25,2012(SDN)-Waxa fiidnimadii xalay ka dhacay magaalada Ottawa Kulan ay yeesheen waxgarad isugu jira Rag iyo Dumar ka soo kala jeeda Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Kulankan oo ay wadajir labada dhan u soo abaabuleen ayaa looga wada hadlay sidii la isugu soo dhawaan lahaa oo la isaga kaashan lahaa marxalada haatan taagan.

 

Shirka waxa furay Guddoomiyaha Jaaliyada Md Abshir Nur oo u mahadceliyay dhamaan dadkii soo abaabulay kulanka iyo ka soo qeybgalayaasha.

 

Kulanka ayaa waxgaradkii ka hadlay waxa ka mid ahaa Dr Xirsi Cabdikariim Ciyoow oo si qoto dheer uga waramay qaladaad uu sheegay in ay dheceen xiliyadii xukuumadaha kala duwani ay hayeen Jamhuuriyadii ay labada gobol ku midoobeen.

 

Khaladkaas oo uu sheegay in uu la kawsaday maalintii labada dal ay Midoobeen,Khaladkaas oo horseeday in lagu hungoobo Shantii Soomaaliyeed oo la mideeyo.

 

Dr Xirsi waxa uu ku dheeraaday ka hadalka fursadaha jira ee lagu saxi khaladaadkaa hore iyada oo laga duulayo niyad wanaag iyo biloow cusub.

 

Waxa ina halkaa ka Hadalay Dr Maxamuud Taani oo ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee labada shacab ay soo mareen xiliadii kala duwanaa.

 

Sidoo kale Dr Taani waxa uu sheegay in la anba qaado qodobadii ka soo baxay shirkii London,khaasatan qodobaka lixaad oo nuxurkiisu ahaa in Somaliland iyo Soomaaliya ay beesha caalamku wadahadalsiiso.

 

Waxa isna hadalo taariikhi ahaa oo dhanka Sharciga ku taxaluqa halkaa ka jeediyay Qareen Cabdiwaaxid Cusmaan.

 

Qareen Cabdiwaaxid oo ka mid ahaa marti sharaftii ka socotay Jaaliyada Soomaaliya waxa uu ka waramay in Somaliland ay 1960kii daacad ka aheyd in Soomaalidu midowdo oo ay isu diyaarisay shuruucda dalkoodana ay waafijeen midawgaasi.

 

Halka buu yiri reer Soomaaliya aaney maraba sharciyan u gogol xaadhin midawgaas,ilaa iyo haatana ay aan khaladkaa reer Konfurku qiran.

 

SDN-Ottawa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xaaji, so taan maalin kasta meeshan holland la isku yimaado. Mise qolada qabyaledeysan ee North America ayee historic u tahay toloow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

If both XX and JB approves this, then I expect it to be the trend of 2012.

 

Somaliland meeting Somali Ethiopian diaspora.

Puntland community meeting hiraan community.

Gedo commutity diner with Khatumo.

 

Etc, etc. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this