Dr_Osman Posted March 24, 2012 Madaxweynaha Yemen oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeyey Geerida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Posted by Pi on March 24th, 2012 Sana’a-Uemen(Pi) Madaxweynaha dalka Yemen, Cabdu Rabuu Mansuur Haadi ayaa tacsi u diray dadka iyo dalka Soomaalida, geeridii ku timid madaxweynihii hore marxuum C/laahi Yuusuf Axmed oo shaley aroortii ku geeriyooday isbitaal ku yaala Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta. War lagu daabacay wakaalada wararka Yemen ee Sabba ayaa lagu sheegay in madaxweyne Cabdirabbi uu tacsi tiiraanyo leh u dirayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska madaxwaynihii hore. Cabdu Rabuu ayaa sheegay in uu C/laahi Yuusuf Axmed dadaal badan u galay siddii uu nabadeen lahaa dalka Soomaaliya. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ku noolaa dalka Yemen, markii uu xilka ka dagay sanadkii 2008-dii, waxana uu ka daganaa guri ay siisay dowladda Yemen. Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa ku dhintay da’da 77-jir, waxana uu madaxweyne soo noqday sanadkii 2004-tii ilaa 2008 Dhamaan dhinacyada Soomaalidia, ayaa tacsi ka diray geerida madaxweynihii hore Soomaaliya Cabdulaahu Yuusuf Axmed oo shaley aroortii ku dhintay isbitaalka Sheekh Zeeyid ee Dubai. Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted March 24, 2012 thanks Yemen. AUN Mudane Madaxweyne Abdullahi Yusuf. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted March 25, 2012 Madaxweyne Faroole iyo Qaar ka Mid ah Wasiiradiisa oo Saaka Gaaray Magaalada Gaalkacyo Comments (0) | Write Comment Garowe(RBC) Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo oo u badan wasiirada xukuumadiisa ayaa xalay ka ambabaxay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland isagoo ku sii jeeda magaalada Gaalkacyo si uu uga qeybgalo aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum C/laahi Yuusuf Axmed. Wariyaasha Shabakada Raxanreeb ayaa soo sheegaya in madaxweyne Faroole saaka waaberigii uu gaaray Magaalada Gaalkacyo, waxaana saacadaha soo socda lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo laga dejiyo meydka marxuum C/laahi Yuusuf Axmed oo haatan meydkiisa lagu hayo garoonka diyaaradaha Muqdisho. Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa saaka abaare 7:50 ka soo degtay garoonka Muqdisho, waxaana saalada janaasada ku tukaday madaxda DKMG, danjirayaasha safaaradaha wadamada islaamka ee jooga Muqdisho iyo culimaa’udiin. Janaasada ka dib ayaa larajeynayaa in Guddiga xukuumadda KMG u saartay diyaarinta aaska marxuumka inay horey u sii raacaan diyaarada meydka sida oo ka degeysa garoonka Gaalkacyo. RBC Radio Xafiiska wararka Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites