Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland parliament votes for a new first and second deputy speaker.

Recommended Posts

Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Doortay Laba Guddoomiye Ku xigeen iyo Jawigii Fadhiga

March 24th, 2012 Comments Off

 

Hargeysa(Somaliland.Org)- Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda u doortay Md. Baashe Maxamed Faarax, halka ay Guddoomiye Ku xigeenka labaadna u doorteen Md. Cali Yuusuf Axmed.

 

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda oo uu gudoominayay Guddoomiyaha aqalkaasi Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) isla markaana ay madasha fadhiyeen 64 Mudane. Waxa ka muuqday xamaasad xoog leh oo Mudaneyaashu dhinac waliba u xusul duubayay in murashaxiinta ay wataan ku guulaystaan labada Guddoomiye Ku xigeen ee Wakiiladda.

 

Xilka Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee uu hore u baneeyay Wasiirka cusub ee Maaliyadda Md. C/Casiis Maxamed Samaalle, waxa u tartamayay Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan). Halka Guddoomiye Ku xigeenka labaadna ay u tartamayeen Md. Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle iyo Md. Cali Yuusuf Axmed.

Md. Baashe Maxamed Faarax, waxa u codeeyay 49 Xildhibaan, Halka murashaxii la tartamayay Md. Ibraahim Axmed Haybe ay u codeeyeen 22 Mudane, sidaasna waxa ku guulaystay xilkii Guddoomiye Ku xigeenka koowaad Md. Baashe Maxamed Faarax.

 

Md. Cali Yuusuf Axmed, waxa u codeeyay 43 Xildhibaan, halka Md. Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle ay u codeeyeen 20 Mudane, sidaasna waxa ugu guulaystay Guddoomiye ku xigeenka labaad Md. Cali Yuusuf Axmed.

Labadii murashax ee laga guulaystay Md. Ibraahim Axmed Haybe iyo Md. Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo doorashadaasi ka dib Golaha la hadlay ayaa u mahad celiyay mudaneyaashii doortay iyo kuwii aan dooranba. Waxaanay intaasi ku dareen inay ku qanacsan yihiin siday doorashadu u dhacday.

 

Geesta Kale Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee cusub Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye Ku xigeenka labaad Md. Cali Yuusuf Axmed ayaa iyaguna u mahad celiyay Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda, gaar ahaan labadii xildhibaan ee xilalkan kula tartamayay.

 

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this