NASSIR Posted March 23, 2012 Nairobi:-:- Gudiga Jaaliyada Maakhir State ee Dalka Kenya ayaa Maanta Shir isugu Wacay Xubnaha Gudigaasi iyo qaar ka mid ah Jaaliyada oo Dalka Kenya Sugnaa, Shirka oo ka dhacay Hotel Madiina Mall waxa looga hadlay Xog Waraysi ku aadan Xubnihii ka qayb Galay Shirkii Jaaliyadaha Gobolada Sanaag,Bari, iyo Hayland ee ka dhacay Dalka Uganda. Caaqil Cabdi Nuur Maxamed Xaaji oo Furay Shirkaasi ayaa Faah Faahiyay Ujeedka Shirka waxana uu sheegay inuu ka mid ahaa Xubnihii ka qayb Galay Shirkii Midaynta Jaaliyadaha Geeska Africa ee Kampala lagu qabtay, isaga oo Amaan u Jeediyay Jaaliyadii Maakhir State ee dalka Uganda sida wayn ee ay soo dhaweeyeen. Hadalka ayaa lagu Wareejiyay C/salaan Cismaan Bulqaas oo ah G/Xigeenka Jaaliyada isaga Wax ka Taabtay Shirkii ay Galeen iyo in la Magcaabo Dhowr Xubnood oo Jaaliyada Kenya ay ku Darsato Dallada Wayn ee Midaynaysa Jaaliyadaha geeska Africa,sida Uganda, Sudaan, Ethiopia. Waxa Goobtaasi ka hadlay Caaqil Cabdi Qani Maxamed Qoobay oo isna Hormuud u ahaa, Gudidii u Anba Baxday Dalka Uganda, isaga oo Xusay inay la Kulmeen intii ay Kampala Joogeen Wakiilo badan oo Maamulo Goboleedyo isla markaana lays dhaafsaday Arrimo badan. Wuxuu soo qaatay Kulan ay Khaatumo yeesheen kaasi oo salka ku hayo Xoojinta Daris Wanaagsa Bulshada Deegaankaasi. Mr Qoobay ayaa Carabka ku adkeeyay inay Muhiim tahay in Midnimada Somaliya loo si taago isaga oo dhaleeceeyay Cid kasta oo Doonaysa inaan Deegaanka Maakhir Horumar la Gaadhsiin. “Wuxuu Yiri Afar Qof aya Gobolada Amaankiisa ka shaqayn Kara hadii la dhahao Looma dhama waxba Socon Maayaan intii Meel ku Shirta ee Wax Fiican Soo Saarta Hala taageero looma dhama waa waxa Deegaanka Halkaasi dhiga Maanta” Ayuu yiri Dhanka Amaanka ayuu wax ka taabtay isaga Xusay inay Beesha Caalamka Gaadhsiiyeen Fariimo badan oo ah inaanu Deegaankaasi ahayn mid Aan Qalalaase ka Jirin balse uu yahay Mid Nabadoon, kaasi oo aanay Marnaba ka dhicin Dilalka Qorshaysan ee Gobolada Pl Inta badan lagu Yaqaan. C/raxmaan Maacir oo ka mid ah Odayaasha Jaaliyada oo Shirkaasi ka soo qayb Galay waxa uu ka halday Aragtidiisa ku aadan Dhismaha Maamulkaasi Maakhir State isaga oo Tilmaamay in ay Muqadas tahay in Beelaha Goboladu ay Shiraan isla markaana Go’aan Midaysan ay wada qaataan. Cali Saalax Shire Ciyoon oo dhawaan dalkii Ka Yimi ayaa Jaaliyada uga Warbixiyay Marxalada ay ku Sugan yihiin Goboladii Maakhir State waxana uu xusay inaanay jirin wax dhiila Colaadeed ah, hase ahaatee uu Mahadnaqa uga siday dadkii Gudaha ku dhaqnaa Jaaliayda Kenya oo ah mid Fir Fircoon. Gudoomiye ku xigeenka Maxamed Siciid Kurre ku dhawaaqay in Gudida dhexe ee Jaaliyadu ay Go’aan ka Gaadhaan Xubnaha Dallada Wayn ugu Biiraya taasi oo dhamaan laysku Raacay Gaba Gabadii ayaa Jaaliyadu Tacsi u dirtay Umada Somaliyeed Geeridii ku Timi Madaxwaynihii Hore ee Somaliya Coll C/laahi Yuusuf waxana ay Ilaahay uga Baryeen inuu Janadii ka Waraabiyo. GalGalanews.com/Nairobi Sawiradii Shirkaasi Hoos ka Daawo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted March 23, 2012 Is it me or Maakhir is more active on SOL...How come I don't read a lot about this area on Somali websites? Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted March 23, 2012 Abwaan, Only News from Xamar dominates Somali sites, particularly neutral ones. Maakhiris have long learned that building real institutions is the key to creating a viable federal state. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted March 23, 2012 ^^ LOL Boosaaso buu la go'ay Cajiib. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted March 23, 2012 ^ Somalia, The borders are in line with the Sultanate of Ina Ali Shire with modifications of course just like PL traces its history to the old Kingdom. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Timur Posted March 23, 2012 These people are funnier than the Mareeg State clowns. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted March 24, 2012 Funny because they are not from your clan mise wax kalaa jira? Please explain why you find them funny. Yaab badanaa....Soo dad Soomaaliyeed ma ahan oo waxa aad adigu xaq u leedahay iyaguna uma lahan? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted March 24, 2012 NASSIR...I guess dhulka sidaas u weyn dadku kuma badna...Mise adina waxaad dhihi rabtaa 1/3 of Somalia ayaa meesha deggan awal baa dad taas maaro looga waayee?. Adigoo ayidaya xitaa inaan akhriyey baan moodayey haddii aanan khaldanayn:D Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiimaaya Posted March 24, 2012 Our real enemy is puntland thats for sure.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiimaaya Posted March 24, 2012 plus ika jeer should be hanged. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Beer-Gaal Posted March 24, 2012 :-) Hang him yaa khaay! Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted March 24, 2012 Abwaan;808883 wrote: NASSIR...I guess dhulka sidaas u weyn dadku kuma badna...Mise adina waxaad dhihi rabtaa 1/3 of Somalia ayaa meesha deggan awal baa dad taas maaro looga waayee? . Adigoo ayidaya xitaa inaan akhriyey baan moodayey haddii aanan khaldanayn:D Abwaan, Sidaad ula socoto goboladan dhibaato siyaasadeed baa haysata taasoo carqalad wayn ku haysa gobolka horumarkiisa. Suaasha waxa weeye maadaama Somalia ay ka jirto dowlad federaal ah, sooma wanaagsana in la taageero maamulada ka jira gobolka Maakhir loona ansaxiyo budget ama laga caawiyo wixii ayaga cashuur ahaan ama deeq ayka helaan dadka u dhashey gobolka sida ay dowlada federaalka ee Mareykanka ay u caawiso gobol kasta , degmad kasta. Waxaa loo baahan yahey waa laamiyaal, airport iyo deked. Inta kale maamulka iyo shacabka ayaa qabsan kara. Waxaa kaloo leeyahey sidaan hore usheegey in state walba laga mamnuuco ciidan aan ka aheen kan nabadsugida ama bileyska iyo maxkamado hoose iyo dhexe. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted March 25, 2012 Somalia;808804 wrote: ^^ LOL Boosaaso buu la go'ay Cajiib. war kasoo celiya. Quote Share this post Link to post Share on other sites