Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland delegation visits gaashaamo

Recommended Posts

Wafti ka Socda Somaliland iyo Deegaanka Gaashaamo ee Dhawaan Dagaalo ka Dhaceen oo Galabta u Anbabaxay Itoobiya.

 

Waftigan oo Galabta ka Ambabaxay Magaalada Wajaale ee Gobolka Gabiley ayaa la sheegay ......

 

Hargeisa (GNS)-Wafti Balaadhan oo ka Socda Somaliland ayaa Galabta u Boqoolay Dalka itoobiya, Waftigan oo ka koobnaa 17 Xubnood oo isugu jira Salaadiinta Somaliland iyo Xubno ka mid ah Golaha Guurtida oo uu hogaaminayay Xaaji Cabdi Xuseen(X.Cabdi Waraabe) ayaa Safar ku Tagay Dalka Itoobiya.

 

Waftigan oo Galabta ka Ambabaxay Magaalada Wajaale ee Gobolka Gabiley ayaa la sheegay in ay kulan la yeelan doonaan maalinta Sabti Madaxwaynaha Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, kulankaasi oo lagaga Wada hadli doono Shaqaaqadii dhawaan ka Dhacday Deegaanka Gaashaamo ee kililka Shanaad ee itoobiya oo ay Ciidanka Liyuu Boolisku ku laayeen Dad Shacab ah oo Dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.

 

Waftiga ayaa waxaa ka horeeyay Wafti ka socda Deegaanka Gaashaamo oo u Badan Madax dhaqameedka iyo Salaadiinta Deegaankaasi kuwaasi u Tagay kulan ay ku balansanyihiin Beelaha Deegaanadii Dagaalku ka dhacay iyo Madaxaynaha Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya

 

Ma jiro War Rasmi ah oo ka soo baxay Waftiga Balse warar ku dhaw xubnaha Waftiga ayaa Sheegay in Wufuudan kala duwan ee ku Sii jeeda Magaalada Jigjiga ay Marti Qaad ka Heleen Madaxwaynaha Kililka Shanaad Cabdi Maxamuud Cumar oo la sheegay inuu kala hadli doono Xal u helida Dagaaladii Dhawaan ka Dhacay Deegaanka Gaashaamo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this