Xaaji Xunjuf Posted March 23, 2012 Wafti ka Socda Somaliland iyo Deegaanka Gaashaamo ee Dhawaan Dagaalo ka Dhaceen oo Galabta u Anbabaxay Itoobiya. Waftigan oo Galabta ka Ambabaxay Magaalada Wajaale ee Gobolka Gabiley ayaa la sheegay ...... Hargeisa (GNS)-Wafti Balaadhan oo ka Socda Somaliland ayaa Galabta u Boqoolay Dalka itoobiya, Waftigan oo ka koobnaa 17 Xubnood oo isugu jira Salaadiinta Somaliland iyo Xubno ka mid ah Golaha Guurtida oo uu hogaaminayay Xaaji Cabdi Xuseen(X.Cabdi Waraabe) ayaa Safar ku Tagay Dalka Itoobiya. Waftigan oo Galabta ka Ambabaxay Magaalada Wajaale ee Gobolka Gabiley ayaa la sheegay in ay kulan la yeelan doonaan maalinta Sabti Madaxwaynaha Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, kulankaasi oo lagaga Wada hadli doono Shaqaaqadii dhawaan ka Dhacday Deegaanka Gaashaamo ee kililka Shanaad ee itoobiya oo ay Ciidanka Liyuu Boolisku ku laayeen Dad Shacab ah oo Dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland. Waftiga ayaa waxaa ka horeeyay Wafti ka socda Deegaanka Gaashaamo oo u Badan Madax dhaqameedka iyo Salaadiinta Deegaankaasi kuwaasi u Tagay kulan ay ku balansanyihiin Beelaha Deegaanadii Dagaalku ka dhacay iyo Madaxaynaha Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya Ma jiro War Rasmi ah oo ka soo baxay Waftiga Balse warar ku dhaw xubnaha Waftiga ayaa Sheegay in Wufuudan kala duwan ee ku Sii jeeda Magaalada Jigjiga ay Marti Qaad ka Heleen Madaxwaynaha Kililka Shanaad Cabdi Maxamuud Cumar oo la sheegay inuu kala hadli doono Xal u helida Dagaaladii Dhawaan ka Dhacay Deegaanka Gaashaamo Quote Share this post Link to post Share on other sites