Sign in to follow this  
Saalax

Faroole oo Ku Dhawaaqay in Meydka C/laahi Yuusuf Lagu Aasi Doono Garowe

Recommended Posts

Saalax   

AUN

 

 

Madaxweynaha Puntland oo Ku Dhawaaqay in Meydka C/laahi Yuusuf Lagu Aasi Doono Garowe

Garowe (RBC) Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa galabta shaaca ka qaaday in meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Col. C/laahi Yuusuf Axmed lagu aasi doono magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

C/raxmaan Faroole oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe isagoo ay wehliyaan qaar ka mid ah golaha wasiirada Puntland ayaa sheegay in aas qaran loo sameynayo Allah ha u naxariistee C/laahi Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha Puntland wuxuu kaloo uu sheegay in calanka hoos loo dhigi doono mudo saddex maalmood ah, iyadoo aas ballaarana uu ka dhacayo Puntland beryaha soo socda.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa soobaxay iyadoo Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu magacaabay guddi qaran oo aaska madaxweyne C/laahi Yuusuf diyaariya. DKMG Waxay shaacisay in aaska madaxweyne Yuusuf uu ka dhacayo Muqdisho maalinta beritana laga soo dejin doono garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Allah ha u naxariistee madaxweyne Yuusuf wuxuu xalay ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta waxaana ehelada ay sheegeen in Soomaaliya loo duulin doono saacadaha soo socda.

 

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Preparations are under way in Gaalkacyo as we speak, Faroole is arriving any minute and Mogadishu is also preparing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this