Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Tribal chiefs from sool reject khaatumo still supporting farooles clan enclave

Recommended Posts

Qaar Ka Mida Garaadadii Ka Qayb Galay Shirkii Taleex Oo Kalsoonidii Ka Noqday Kooxda Khaatumo State.

 

Garoowe(Ramaas) Mar, 23, 2012- Qaar ka mida Garaadadii ka qyb galay shirkii degmada Taleex ee lagaga dhawaaqay maamulka Khaatumo Statem ayaa ka noqday kalsoonidii ay u hayaan maamulkaas oo ay ka qayb ka ahaayeen dhismihiisa.

 

Garaadada oo xalay kulan gaar ah Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe kula yeeshay Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed, ayaa sheegay in ay ka mid yihiin madaxda dhaqanka ee Puntland , isla markaana aanay la safnayn maamul kale oo lidi ku ah danaha Puntland,iyaga oo hore wacad ugu maray in ay taageeri doonaan beeshooda dhisatay maamul u gaar ah .

 

Xubnaha Garaadada ah waxa ka mid ahaa Garaad Abshir Garaad Saalax, waxaana ay madaxda Puntland u xaqiijiyeen in ay kala shaqayn doonaan nabadgalyada deegaamada ay ka soo jeedaan, isla markaana ay dadka ku wacgelin doonaan in ay qayb ka noqdaan Puntland oo ay ka tanaanulsaan tabashadii ay ku aas-aaseen Khaatumo oo aan hawlgeli karin wakhtigan, maadaama oo aanay gacanta ku hayn dhulka ay degto beesha sool intiisa badan.

 

Tallaabada ay qaadeen Garaadadu ayaa wiiqi doonto jiritaanka Khaatumo State oo aan ku taagnayn cago adag,iyada oo la filayo in madax dhaqameed kale ay iyana ay ka baxaan kooxdaas oo inta badan dibed wareeg ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isimada Khaatumo Oo Qaarkood Weli Faroole La Fadhiyaan-(Sawiro)-

 

Lasanod Online. Thursday, March 22, 2012

 

Garoowe,(Lasanod Online)- Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyey..

 

xarunta madaxtoyada Garowe isimada iyo odayaasha dhaqanka Puntland.

 

Dhegayso Heesta Munaasabadan

 

Ujeedada xafladan ayaa saraakiil ka tirsan maamulka puntland ku sheegeeen inuu ahaa xog isweydaarsi , kala war qaadasho xaaladaha guud ee Puntland.

 

Isimadii xalay ka qaybgalay martiqaadka madaxweynaha Puntland waxaa ku jiray saddex isim oo kasoo jeeda deegaanka Khaatumo, kana mid aha isimadii ka qaybgalay shirkii Taleex ee maamulka goonida ah loogu dhisay deegaanka SSC.

 

Isimadan xalay fadhiyey madaxtooyada Puntland durba miyeey ka baxeen ballantii shacabka ee berdaha Khaatumo?.

 

1- Garaad Abshir Saalax

 

2- Suldaan Siciid Cismaan

 

3- Boqor Cabdilaahi Axmed Dabagooye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Beryahan la isuma maqlo dadka qaar. Xaaji weli ma burburka Khaatumo baad quud daraynaysaa, If I were you I wouldn't go that path.

Share this post


Link to post
Share on other sites

maya anigu waxbaaan dhisa waligay waxba ma burburiyo anigu horaan ku sheegey khaatumo wa tageersanahay laakin garaad abshir salax iyo suldaan siciid iyo boqorka boocame weye dhibtu awoow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Xaaji Xunjuf;808650 wrote:
maya anigu waxbaaan dhisa waligay waxba ma burburiyo anigu horaan ku sheegey khaatumo wa tageersanahay laakin garaad abshir salax iyo suldaan siciid iyo boqorka boocame weye dhibtu awoow.

Buurmadow iyo kuwa la midka ahi maxay ka qaadayaan your beloved SL?

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Carafaat;808655 wrote:
:D
Ngonge ka bax sheekadan.

In Somaliland, Friday is an official holiday. This is why Xaaji X is reporting who Faroole had casho with and Jacaylbaro is reporting what committees Sheikh Sharif is setting up. :D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

Xaaji xunjuf reminds me of the famous Saddam Hussein's information minister(comical Ali)Warya those three have no power to accept or reject anything.I remember they are same ones who were booed at Taleex meeting.But we are more than happy for you if this will make you sleep well tonight.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abdul this is not about me this was posted on the khaatumo website lasanod.com still they are tribal chiefs they are the signatories of khaatuumo and today they sing a different tone. So tell me Abdul are there specific garaads with veto power with in the garaad tribal structure?

 

 

Loool@ NGONGE:D faroole odaydu la shiro oo la casheyo wa muhiim:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
sahal   

Xaaji Xunjuf;808668 wrote:
Abdul So tell me Abdul are there specific garaads with veto power with in the garaad tribal structure?
:D

Yes, there is a ONE with Veto Power and he is Garaad BINTI

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this