Sign in to follow this  
kingofkings

Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida AHN Cabdilaahi Yuusuf Axmed [Dhegeyso]

Recommended Posts

geerida AHN madxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo xalay ku geeriyoodey wadanka Imaaraatka Carabta.

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo goor dhow magaalada Garoowe Saxaafadda shir ugu qabtay ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan umadda Soomaalyeed.

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Cabdilaahi Yuusuf uu ahaa halyey Soomaaliyeed islamarkaana uu ka tegey taariikh lama ilaawaan ah oo ku dhigan maanka qof kasta oo Soomaali ah.

 

Dr. Faroole waxa kale oo uu sheegay in marxuumka lagu aasi doono Puntland loona sameyn doono aas qaran isaga oo amar ku bixiyey in calanka mudo sadex maalmood ah hoos loo dhigo.

 

Dhegeyso codka madaxweynaha Puntland

 

Audio

 

Ugu danbeyntii madaxweynaha Puntland waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dowladdu ay dhowaan Saxaafadda usoo bandhigi doonto taariikh nololeedkii marxuumka geeriyoodey.

 

Cabdilaahi Yuusuf Axmed AHN wuxuu xalay saqdii dhexe ku geeriyoodey Isbitaal ku yaal magaalada Abu-Dhabi ee wadanka Imaaraadka carabta kaasoo uu in mudo ah ku jirey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta 23,March 2012 tacsi tiiranyo leh ka direy geeridii ku timid Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Somalia Col.Cabddulaahi Yuusuf Axmed oo saaka ku dhintey isbital ku yaal Dubai.

 

Madaxweyne Farole waxa uu samir Alle inuu ka siiyo Marxuumka u baryey eheladiisi isagoona Janadii Fordowsana ugu duceeyey Col.Yuusuf.

 

Aas Qaran ayuu shaaca ka qaadey Dr.Cabdiraxman Farole in loo samayn doono ,iyadoona sidoo kale hoos loo dajiyey calamadii Puntland iyo Somalia xarunta madaxtoyada muddo saddex maalmood ahna baroor diiq lagu dhawaaqey.

 

Taariikh nololeedkiisa iyo halgankii madaxweynihi hore ee Somalia iyo asaasihii Puntland ayuu wax ka taabtey Dr.Farole oo in badan ku tilmaamey dhidibadda Puntland inuu adkeeyey haatan uu sii wado isagu hawshii uu bilaabey.

 

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa haddana goobta lagu aasayo la sheegey Puntland inay tahay meel ka mida,waxana laga dareemayey geerida madaxweynaha guud ahaan gobolada dalka.

 

Xarunta madaxtoyada ayaa maanta waxa isugu yimid madaxweyne ku xigeenka ,gudoomiyaha barlamanka ,wasiirada xukuumada ,mudanayaasha barlamanka,odayaasha dhaqanka,culimada iyo saxaafada waxana dhamaan Alle uga baryeen inuu raxmadiisa ku maneysto marxuumka.

 

Maamulka ,madaxda iyo shaqaalaha Radio Garowe & Garowe Online ayaa tacsi u diraya dhankooda eheladii uu gaeeriyoodey madaxweyne Cabdulahi Yusuf waxana Alle uga baryayaan inuu raxmadiisa ku galadaysto.

 

INAA LI LAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this