Qandalawi Posted March 23, 2012 Puntland oo tacsi ka dirtey geerida madaxweynihii hore Somalia 23 Mar 23, 2012 - 4:09:23 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta 23,March 2012 tacsi tiiranyo leh ka direy geeridii ku timid Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Somalia Col.Cabddulaahi Yuusuf Axmed oo saaka ku dhintey isbital ku yaal Dubai. Madaxweyne Farole waxa uu samir Alle inuu ka siiyo Marxuumka u baryey eheladiisi isagoona Janadii Fordowsana ugu duceeyey Col.Yuusuf. Aas Qaran ayuu shaaca ka qaadey Dr.Cabdiraxman Farole in loo samayn doono ,iyadoona sidoo kale hoos loo dajiyey calamadii Puntland iyo Somalia xarunta madaxtoyada muddo saddex maalmood ahna baroor diiq lagu dhawaaqey. Taariikh nololeedkiisa iyo halgankii madaxweynihi hore ee Somalia iyo asaasihii Puntland ayuu wax ka taabtey Dr.Farole oo in badan ku tilmaamey dhidibadda Puntland inuu adkeeyey haatan uu sii wado isagu hawshii uu bilaabey. Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa haddana goobta lagu aasayo la sheegey Puntland inay tahay meel ka mida,waxana laga dareemayey geerida madaxweynaha guud ahaan gobolada dalka. Xarunta madaxtoyada ayaa maanta waxa isugu yimid madaxweyne ku xigeenka ,gudoomiyaha barlamanka ,wasiirada xukuumada ,mudanayaasha barlamanka,odayaasha dhaqanka,culimada iyo saxaafada waxana dhamaan Alle uga baryeen inuu raxmadiisa ku maneysto marxuumka. Maamulka ,madaxda iyo shaqaalaha Radio Garowe & Garowe Online ayaa tacsi u diraya dhankooda eheladii uu gaeeriyoodey madaxweyne Cabdulahi Yusuf waxana Alle uga baryayaan inuu raxmadiisa ku galadaysto. INAA LI LAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted March 23, 2012 Alla yarxam, he was a soldier, a father and a principled Somali elder who understood Somalis on all levels. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted March 23, 2012 Madaxweyne Shariif oo ku dhawaaqay Gudi heer qaran oo loo saaray qaban qaabada aaska Madaxweynihii hore Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa tacsi qaran u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed. Shir jaraa'id oo uu ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayuu Madaxweynaha waxaa umada Soomaaliyed uga tacsiyadeeyay geerida Madaxweynihii hore, isagoo sheegay in aas qaran loo sameynayo. Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in Gudi uu madax ka yahay Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga C/wahaab Ugaas Xuseen loo magacaabay, isagoo Madaxweynuhu sheegay in gudigaas qaban doonaan hab maamuuskii loo sameyn jiray marka Madaxweyne geeriyoodo. "Hadii ay jiraan dad wax tabanaya waxaan codsanaynaa in la cafiyo, Janada Fardowso inuu Eebbe geeyo ayaa uga baryeynaa"ayuu yiri Madaxweyne Shariif. Meydka Madaxweynihii hore Soomaaliya ayaa la keeni doonaa Caasimada Muqdisho, si salaada janaasada ah loogu dukado, waxaa kadib lagu aasi doonaan Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug oo ah halka uu ku dhashay. Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore Soomaaliya C/llaahi Yuusuf ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Sheekh Zaa'id ee Magaalada Abuu Dubai, halkaas oo mudooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayay, waxaa uu ku dhintay da'da 78-jir, ifka ayuu kaga tagay Xaas, afar caruur oo isugu jira labo gabdhood iyo labo wiil. Hoyga wararka Somaliyeed www.jowhar.com jowharnews@gmail.com jowharcom@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qaranki Posted March 23, 2012 WTF 3 days of mourning, is this serious. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted March 23, 2012 Qaranki;808553 wrote: WTF 3 days of mourning, is this serious. What do you mean? Quote Share this post Link to post Share on other sites