Sign in to follow this  
Dr_Osman

The Father Of Puntland Has Died. Dr-Osman Is An Absolute Shock. A Black Day For The State

Recommended Posts

Dr_Osman   

DUBAI : M-wayne Cabdilaahi Yuusuf oo geeriyooday

March 23, 2012 5:41 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

 

Dubai:-M-waynihii Soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf Axmed ayaa magaalada Dubai ee dalka Imaraadka Carabta xalay goordambe ku geeriyooday Isbataal halkaasi ku yaal, kadib markii uu muddo xanunsanaa.

 

M-waynaha geeriyooday, ayaa geeridiisa waxaa xaqiijiyay ehelediisa oo la joogay markii uu geeriyooday.

 

Allaha u naxariistee Cabdilaahi Yuusuf ayaa muddooyinkii dambe ku noolaa dalka Yamen kadib markii uu iska casilay M-waynenimada dalka Soomaaliya kadib khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay Raysalwasaarihiisa.

 

Hase ahaatee, arimo caafimaad ayaa Isbataal ku yaal magaalada Dubai loo geeyay halkaas oo lagu dawayanayay, ugu dambayntii ka hor Salaada subax ayuu geeriyooday.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

C/laahi Yuusuf Axmed oo Ku Geeriyooday Imaaraadka

 

March 23, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster

 

Waxaa Saaka Xilligii salaada subax ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Wadanka Isku taga imaaraadka Carabta ka dib markii uu madaxweynaha uu maalmihii ugu danbeeyay uu ku xanuunsanay Wadankaas

 

Qaar ka mid ah Eheladiisa ayaa Warbaahinta SBC u xaqiijiyay Geerida Madaxweynihii HOre C/laahi Yuusuf Axmed waxaana Weli aan la qorsheyn Goobta lagu aasayo Madaxweynaha

 

Daalacatey :284

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Taariikhada Madaxweynihii Hore AHN C/laahi Yuusuf Axmed

March 23, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster

 

Warbaahinta SBC waxaa ay halkan idinkugu soo gudbin Doontaa Taariikh-da Madaxweynihii hore C/laahi Yuusuf Axmed oo ku geeriyooday 04:05Daqiiqo Isbitaal ku yaala Magaalada Abu-adhbi kaasi oo lagu daweynayay Maalmihii ugu danbeeyay.

 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf eebe ha u naxariistee waxaa uu ku dhashay Magaalada Gaaalkacyo Sannadkii 1934-tii sida lagu daabacay Buugag Badan oo lagu qoray taariikhda Madaxweynaha.

 

Eebe ha u naxariistee Madaxweynihii hore oo waxaa uu iska casilay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Sannnadkii 2008-dii ka dib markii khilaafyo kala duwan ay soo kala dhexgaleen masuuliyiin ka tirsan Dowlada KMG gaar ahaan raiisul wasaaryaashii Xukumadiisa.

 

C/laahi Yuusuf Axmed Waxaa uu ahaa Siyaasi SOomaaliyeed oo intii uu siyaasada Soomaalida ku soo jiray ahaa Khabiir Dhanka Ciidamada ah waxaana uu tababaro kala duwann ku soo qaaday Dalalka Caalamka Sida:

 

1954-1956 waxaa Waxbarasho loogu Diray wadanka Talyanaiga

 

1957 waxaa loo mgacaabay Taliye ku xigeenka Booliska G/Banaadir

 

1960 Talyaaniga ayuu Waxbarsho Meleteri u tagay ka dibna waxaa uu noqday Taliyaha Booliiska Qebteeda fadhigeedu yahay Gobolada Waqooyiga Soomaaliya

 

1964 Waxaa C/laahi Yuusuf loo dalacsiiyay Darajada Gashanle DHexe Waxaana uu u gudbay Maamulka Dhexe gaar ahaan Wasaarada gaadhaandhiga

 

1965-1966 Waxaa loo diray waxbarasho Militari Wadanka Ruushka

 

1968 Waxaa laga dhigay taliyaha Hogaanka Tababarka ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed

 

1969 Waxaa Markale lagu celiyay Gobolada Waqooyiga Soomaaaliya

 

1969 Xilli ku dhow Curashada Kacaanka waxaa loo Taxaabay Xabsi ka dib eedeyn ka timid Kacaankii Siyaad Barre waxaana uu xirnaa muddo 6 sanno ah

 

1975-1977 Markii Xabsiga laga siidayay waxaa laga dhigay taliyaha hogaanka gaadiidka iyo dayactirka ee xoogga dalka

 

1977 Dagaalkii Xoreynta Soomaaliy Galbeed waxa loo magacaabay inuu hogaamiyo Ciidamada Dagaalka waxana uu ka adkaaday Ciidamada Ethiopia waxaana Ciidankiisa ay Gaaareen Gobolka Nagaylle 1978-dii

 

1978- Waxaa dhacay Inqilaabkii Loo Yaqaanay ‘Inqilaabkii dhicisoobey’ waxana ka dib uu galay Ethiopia

 

1978-September waxaa uu C/laahi yuusuf uu aasaasay Mucaaradkii ugu horeeyay taariikhada dalka kaasi oo la oran jiray SSDF.

 

1985 C/laahi Yuusuf Axmed waxaa loo taxaabay Xabsi ku yaaala Ethoipia waxaana xiray maamulkii Mangiest Hayla Miriam waxaana uu xabsigaas ku jiray muddo 6 sanno oo kale ah.

 

1991 Markii uu dhacay Maamulkii Mingiste iyo kii soomaaliya waxaa uu C/laahi Yuusuf u soo dhaqaaqay Gobolada Waqooyi Bari Soomaaaliye ee Iminka Loo yaqaano Puntland waxaana uu aasaasay Maamul Goboleedka Puntland Sannadkii 1998-dii Waxaana uu Madaxweyne Puntland ka ahaa ilaa loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya 2004-tii.

 

10.10.2004 waxa Kenya loogui soo doortay Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya taasi oo uu muddo ku taamayay inuu Qabto C/laahi Yuusuf.

 

C/laahi Yuusuf Axmed intii uu xilka Hayay Soomaaliya waxaa uu wajahay Marxalado adag oo siyaasadeed waxaa uu ka badbaaday isku day dil oo qarax lagula beegsaday Baydhabo.

 

29.12.2008 Ayuu iska Casilay Xilka Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya ka dib markii uu Cadaadis uga yimid Beesha Caalamka iyo Dowladaha gobolka.

 

Wixii ka danbeeyay Iscasilaadiisa waxaa uu Eebe ha u naxariistee C/laahi Yuusuf ku noola wadanka Yemen oo uu ka helay Deganaasho rasmi ah oo uu siiyay Madaxweynihi Hore ee Dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax.

 

23.12.2012 waxaa uu ku geeriyooday Wadanka Imaaraadka Carabta Halkaas oo uu u jogay Howlo CAafimaad sida ay sheegeen Eheladiisa Waxaana weli la qorsheyn halka lagu aasi dono Madaxweyne yuusuf.

 

FG:Taariikhadan ayaa ah mid aan ka xiganay dad aqoon u leh iyo Buugag lagu qoray taariikha AHN C/laahi Yuusuf wixii ka qaldan waxaad naga sixi kartaa idinkoo noogu soo diraya emailka sbcsomalia@gmail.com tacsidana waxaan ku soo diri kartaa isla emailkaas.

 

SBC International Monitoring

Daalacatey :290

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Alla Abdullahi Geesi qaran buu ahaa, illahi ha uu naxaristo. Wallahi manta markan maqlay inu dhintay ilin baa iga timid, Manta ayaa loo yaaba beesha!!!

 

It's a dark day for Puntland and for all it's citizens. Abdullahi will be remembered as the greatest leader of Puntland and its people In civil war Somalia. The man's accolade is equal to omar samatar!!! he has definitely gone into the hall of fame historical figures of beesha!!! He was not only a hero in puntland but in all of Somalia. Friends and Foes alike may have of liked or disliked the man but they all respected him. This is the sort of leader and citizen he was!!! Today is truly a sad day in all of Greater Somalia!!! It has touched me personally thats all I will say on the matter and I'll be meeting up with beesha at the cafe to discuss the way forward for the state and it;s people in this tragic moment when of it's own heros and sons has passed away a man with a mountain of legacy that is unmatched in Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

Allaha u naxariisto samir iyo imaana ha ka siiyo ehaladiisa.

 

Cabdullahi wuxuu ahaa wadani jeclaa in Somalia mar un ay cagaheeda ku istaagto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Most the Arabic papers are reporting his death but none of the English speaking ones. SOL should have it on the front page.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this