Saalax Posted March 23, 2012 Xukuumadda Oo Siidaysay Odayaal Muddo Todobaad Ka Badan Laascaanood Ugu Xidhnaa Eedaymo La Xidhiidha Inay Ka Dambeeyeen Gaadiid Dagaal Oo Ciidamada Lagala Baxsaday. Laascaanood (Ramaas) Mar 22,2012 – Xukuumadda Somaliland ayaa siiday odayaal muddo todobaad ka badan ku xidhnaa Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen gaadiid ciidanka qaranka lagala baxsaday. Odayaashan oo tiradoodu ahayd 7, ayaa waxa laga siidaayey xasbiga Magaaladda Laascaanood, iyadda oo wakhtigii ay xidhnaayeen lagu sameeyay baadhitaano la xidhiidha inay lug ku lahaayeen laba gaadiidka dagaalka ah oo todobaadkii hore lagala goostay ciidamada qaranka ee fadhiisinka ku leh duleedka Laascaanood. Odayaashan oo qaarkood warbaahinta la hadleen ayaa sheegay in maamulka gobolka Sool uu iska xidhay isaga oo aan ku hayn cadayn muujinaysa inay dadkii gaadiidka la baxsaday ku dhiiri-galiyeen falkaasi. Siidaynta odayaashan ayaa waxa waan-waan ka galay Madax-dhaqameedka gobolka Sool qaarkood, kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay kulamo la lahaa badhasaabka gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare) iyo masuuliyiinta kale ee gobolka Sool, kulamadaasi oo lagu doonayey in lagu siidaayo odayaashan maanta la siidaayay. Maamulka gobolka Sool ayaan ilaa hadda ka hadal siidaynta odayaashan xoriyadoodii loo soo celiyey, balse dhowr jeer aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno badhasaabka Sool ayaanay noo suurto-galin. Ramaasnews Desk Hargeisa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted March 23, 2012 http://www.ramaasnews.com/index.php/News/News/Xukuumadda-Oo-Siidaysay-Odayaal-Muddo-Todobaad-Ka-Badan-Laascaanood-Ugu-Xidhnaa-Eedaymo-La-Xidhiidha-Inay-Ka-Dambeeyeen-Gaadiid-Dagaal-Oo-Ciidamada-Lagala-Baxsaday.html Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted March 23, 2012 Waa talaabo wanaagsan, waana soo dhoweyneynaa. Talaabada ku xigta waa in Odayaasha kale, dumarka, caruurta iyo dhaniyarada Laas Caanood ayana laga soo daayaa Jeelka Maandheera Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Hermet Posted March 23, 2012 'Liibaan';808372 wrote: Waa talaabo wanaagsan, waana soo dhoweyneynaa. Talaabada ku xigta waa in Odayaasha kale, dumarka, caruurta iyo dhaniyarada Laas Caanood ayana laga soo daayaa Jeelka Maandheera Agreed let everyone out seriously if children are there acudubilah that's shameful. Work on peace people..no more hate and tribalism. The people need development, peace and security. If they wanna protest its their right to protest no one should stop them. Quote Share this post Link to post Share on other sites