Caano_Geel Posted March 22, 2012 Qalbigaygu yaraantii Inantuu u qushuucay Qalanjaabay ahayde Quruxdii midabkeeda Qaadirkeed ugu deeqay Iyadoo qarinaysa Marna qaadan surwaal Qolqolkoodana Joogta Ayuun baan qiyaastay Waysu qalanay inantee Sheekaan qac ka siinay Guurna waaban qalqaalnay Anigoo qorshihii gurigayga Iyo qarashkii day dayaaya Ayuun baa Telephone qac soo yidhi Maxamed kii qurbaha jiray Ima soo qabadsiinin Telephone Fiisaan kuu qalqaalay Oo muddo kugu qaadan maysee Soo qabo Ethiopia Waxaan Qadan kusii idhi Marka aan qurbaha tago Een gaadho qadankaa Ayaan ku qaadi doonaa Meel nolol leh oo qabow Ayaan qalbigii jacaylka Aaan ku qaybsan doonaa Waxa iga qanciyay ee Ay qowl isii tidhi Qaaligaan jeclaayow Qadan way ku sugaysaa Qadarkana Allah iska leh' Qalbigii dhimaygii Gaaladu qotomiyeen Halkii laga qul qulayay Laga qaato fiisaha Qabad baad tahay buu Qalinka iiguba duugay Dabadeed waan qayliyay Oo qaadiraan ku danbeeyay Intii aan qayilaayay Qaliil baan u haystee Ileen waaba Qarni Markii aan qurbaha tagay Een gaadhay qadankii Saw yartii qurxoonayd telephone ma qabadsiin Ku yaroo ciyaal ahi Saw tell kii igama qaban Qodabkaa iska ilow Saw qawl imuu odhan Nac-as baa wax qasee Anna maan qaldamine Saw ii qal sheekada Qowl uguma aan celin Qodob qodoba sheekada Intuu iigu kala qalay Iska quuso ima odhan Qadan waa la qabaa Oo qololkay gogoshaa Ahh Qadhaadhaa arintu Qooma mooyin reebtee Bal yaan qawl uun kaa hadhin Qawl kaluu nin kale yidhi Ayaa waxaa ku qaydnaa Wixii aan laguu qorin Adoon quudinbaa wacan Iminkana qowl san oo hadha Iyo ducadaan qarqinayaa Allahayow Adduun yada Inta aan ku nool nahay Qumanaanta nagu hay Diinteena quruxda leh Kuwa qaata naga yeel Inantaa qudheedana Iyo sayid kii loo qoaray Ubad khayr leh kala sii Anigana tu qalanjo ah Oo u qalanta inantaa qabuul ii gudoonsii Allahyow qiyaamada Qalinkiyo xisaabtiyo Jid siraad ha nagu qubin Waa maalintaan la qarinayn Qalad waxaad samaysee Qof waliba qalad wuxuu galo Maalinta qoorta loo sudho Aan qof diidayaa jirin Jannadii qaboobayd Kuwa loo qorsheeyee Loo qaato naga yeel Aamiin Aamiin Aamiin Quote Share this post Link to post Share on other sites