Liibaan Posted March 22, 2012 RealTaleex.com War Deg-Deg Ah: Raysulwasaaraha Somaliya Abdiweli Gas Ayaa Qalinka Ku Duugay Aqoonsiga Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia March 22, 2012 Mo-Hashi Production http://www.realtaleex.com/2012/03/22/war-deg-deg-ah-raysulwasaaraha-somaliya-abdiweli-gas-ayaa-qalinka-ku-duugay-aqoonsiga-maamul-goboleedka-khaatumo-state-of-somali/ Wefti Ballaadhan oo uu hogaaminayay Madaxweyne Abdinur Elmi Qaaje(Biindhe) oo ka tirsan Golaha Madaxtooyada Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia, Ayaa muddooyinkanba ku sugnaa Caasimada Somalia ee Muqdisho, halkaasoo ay kulamo kula yeelanayeen Madaxda kala duwan ee TFG iyo Barlamaanka, si ay uga dhaadhiciyaan qadiyada khaatumo State, ugana helaan taageerada ku aaddan degaanada Khaatumo State Of Somalia ee caalamku soo mariyo dowlada federaalka iyo sidii loo soo wareejin lahaa ta ay leexsadan labada maamul ee ka xiga labada dhinac. Dhanka kale waxaa iyana kulamo gaar gaara ah iyo taageero u fidinayay Maamulka Khaatumo State Dhamaan Beelaha soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaala madaxda Somaliya ee Muqdhisho iyadoo ay la kulmeen odoyaasha Dhaqanka iyo iyo siyaasiin kala duwan oo ka soo kala jeeda Beelaha Somaliyeed. Heshiiskan ayaa ahaa mid ay Madaxda labada Dhinac kala sexeexdeen heshiis rasmi ah oo dhex mara Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia Iyo Dowlada Federaalka Somalia ee TFG.waxaana la filayaa Maalinta Sabtidda Labada Dhinac si wada jir ah warbaahinta Ula Hadlaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 22, 2012 Liibaan i thought wasiirka beeraha from baydhabo already recognized khaatuumo aqoosniga khaatumo badana Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted March 22, 2012 KhaatumoOnline.com http://www.khaatumo.com/?p=26062 War Deg Deg Ah – Xukuumadda Raysul Wasaare Abdiweli Gas Iyo Dowlada MaamulGobaleedka Khaatumo State Of Somalia oo Heshiish Rasmi Ah Kala Saxeexday Khaatumo Online Xukuumadda Soomaaliya iyo Dawlad Gobaleedka Khaatumo ayaa galabta kala saxeexday heshiis rasmi ah ka dib kulan saacado qaatay oo ka dhacay xafiiska R/waasaraha Soomaaliya kaas oo ay ka soo qayb galeen Raxan Wasiiradda Xukuumadda Gaas ah iyo waftida Khaatumo ee ku sugan Muqdisho ma jiro Warar faahfaahsan oo ilaa hadda ka soo baxay labadda dhinac balse Ilo Wareedyo Muhiim ah ayaa Allssc u xaqiijiyey in Sabtida kulan saxaafadeed ay wada qabanayaan R/wasaare Gaas iyo Madaxweyne Cabdinuur Cilmi Qaaje ( Biindhe) kaas oo ay ku faahfaahinayaan Heshiiskan ay wada gaadheen Todobaadkan ayaa waxa socday Kulamo wada shaqayn ah oo Wasaaradaha DFKM iyo Wasiiradda Khaatumo ee ku sugan Muqdisho ay wada yeelanayeen kuwaas oo looga hadlayey habkii iyo hanankii shaqo ee ay wada yeelan lahaayeen, waxa jirta kulamo kale oo waftida Khaatumo la qaateen bulshadda Muqdisho Khaatumo Online Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted March 22, 2012 aad ayaan ugu faraxsanahay in uu R/wasaaraha Abdiwali gartay shaqadiisu inay tahay danta somaliyeed eena aheen dantiisa shakhsiga ah. Mashallah. Khaatumo State horumar ayaan u rajaynaya iyo guul Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kilwe Posted March 22, 2012 Mr Aweli waxaa lagu kiciyey oo runtii gilgilay Xildhibaanada iyo umadda uu magacooda ku fadhiyo meesha. Haddii uusan wadashaqaynta saxeexi lahaynna Qiyaamihiisa ayaa kici lahaa. Meesha kumuusan tegin aqoon iyo karti uu dadka dheeryahay, Kumuusan tegin dhaqaale iyo cudud ciidan toonna ee meesha magac beeleed ayuu ku joogaa inkastoo howshiisu tahay mid qaran hadana wuu ku khasban yahay inuu cadaalad sameeyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted March 22, 2012 Xaaji Xunjuf;808061 wrote: Liibaan i thought wasiirka beeraha from baydhabo already recognized khaatuumo aqoosniga khaatumo badana Quote Share this post Link to post Share on other sites
K.O.W Posted March 22, 2012 ^ @ Somalia; AWOOD BAA JIRIN XAGAADO AFKIIBA JUUQDA GABAY Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiimaaya Posted March 22, 2012 Abdi cawar the tribalist intellectual warlord has finnaly recognised the truth . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted March 22, 2012 K.O.W;808208 wrote: ^ @ Somalia; AWOOD BAA JIRIN XAGAADO AFKIIBA JUUQDA GABAY If you say so. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted March 23, 2012 Ka leexo yuusan ku marin gaariga Khaatumo...lol....Haddii la idinka farxiyey oo la idin taageeray idinkuna shaqadiinna qabsada oo Khaatumo keliya haku dikrinina ee danta Soomaali wax ka qabta. Xaaji Xunjuf;808061 wrote: Liibaan i thought wasiirka beeraha from baydhabo already recognized khaatuumo aqoosniga khaatumo badana Warkii wasiirka dhaaf ee kan ra'iisal-wasaaraha la qabso: haddii sheekadu jirto. Adiguba meeqa sano ayaad lahayd maantaa la i ictiraafay...Meeqa jeerbaa la is ictiraafaa horta? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted March 23, 2012 Abwaan;808272 wrote: Ka leexo yuusan ku marin gaariga Khaatumo...lol....Haddii la idinka farxiyey oo la idin taageeray idinkuna shaqadiinna qabsada oo Khaatumo keliya haku dikrinina ee danta Soomaali wax ka qabta. Walaal Abwaan, Waan kugu raacsanahay 100%, Waa in danta guud ee Qaranka Soomaaliyeed iyo midnimada ummada Soomaaliyeed wax kasta laga hormariyaa. Khaatumo State waa Xudunta Midnimada Dalkeena Soomaaliya, waana Xuruntii halgankii Somaliweyn wakhtigii Isticmaarka. Shacabka Soomaaliyeed ee Deegaanada Khaatumo si weyn ayee u taageersanyihiin Qaranka Iyo Dowlada Dhexe ee Somalia ee uu Hogaaminayo MadaxWeyn Shaikh Shariif Sheikh Ahmed. loool @ Ka leexo yuusan ku marin gaariga Khaatumo State Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted March 23, 2012 War Culus- Raysal Wasaaraha Soomaaliya CabdiWali Gaas Oo Saxeexay Wada Shaqaynta Dowlada Dhexe ee Federaalka Soomaaliya Iyo Dowlada Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia Horufadhi.com Raysal wasaaaraha dalka Soomaaliya cabdi weli maxamed Cali gaas ayaa goor dhawayd si rasmi ah usaxeexay wadashaqayn buuxda oo ay yeeshaan Dalwada Dalka Soomaaliya iyo maamulka Khaatumo State iyadoo dhawaan uu aqoonsiga maamulkan qalinka ku duugay madaxwaynaha dalka Soomaaliya. Magaalada Muqdhisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa kugan wafdi balaadhan oo uu hogaaminyo C/nuu Cilmi Qaaje biindhe oo kamida golaha madaxtooyada Maamulka Khaatumo State waxayna maal mahanba kulamo gaar gaar ah layeelanayeen Madaxda Sare ee dawlada KMG iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshawaynta soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya. Wafdiga culus ee kasocda maamul Goboleedka soomaaliyeed ee Khaatumo State ayaa waxay Raysalwasaaraha Kala saxeedeen Arimo dhowr ah waxaana Raysalwasaare cabdi weli uu si buuxda ugu nuux nuuxsaday in dawladu la shaqaynayso Maamulka Khaatumo State. Wada shaqaynta buuxda ee Dawladu maanta ku dhawaaqday ayaa waxay kusoo beeg maysaa xili maamulada Hareeruhu ay u hanqaltaaagayeen in aqoonsigii hore loosiiyey maamulka Khaatumo dibloogala laabto. Goor dhow waxaan idiin soo gudbindoonaa Heshiiskaas maanta oo qoraal ah iyo habka uu uqoran yahay Isha ku hay Horufadhi.com _________________________________ War DegDeg: Xukuumadda CabdiWali Gaas Iyo Dowlada Goboleedka Khaatumo State oo Heshiish Rasmi Ah Kala Saxeexday Nugaal Media Xukuumadda Soomaaliya iyo Dawlad Gobaleedka Khaatumo ayaa galabta kala saxeexday heshiis rasmi ah ka dib kulan saacado qaatay oo ka dhacay xafiiska R/waasaraha Soomaaliya kaas oo ay ka soo qayb galeen Raxan Wasiiradda Xukuumadda Gaas ah iyo waftida Khaatumo ee ku sugan Muqdisho ma jiro Warar faahfaahsan oo ilaa hadda ka soo baxay labadda dhinac balse Ilo Wareedyo Muhiim ah ayaa nugaal media u xaqiijiyey waxii waree kasoo kordha kala soco nugaalmedia.com NugaalMedia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdul Posted March 23, 2012 Indeed this is great news. Quote Share this post Link to post Share on other sites
burahadeer Posted March 23, 2012 live on that for few days then reality sinks in Quote Share this post Link to post Share on other sites