Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ethiopian and TFG troops take over xudur capital of bakool region

Recommended Posts

Ciidamada Dawlada Federaalka Iyo Kuwa Itoobiya Oo La Wareegay Magaalada Xudur-

Lasanod Online. Thursday, March 22, 2012

 

Xudur,(lasanod Online)- Ciidamada DKG iyo kuwa Itoobiya ayaa maanta la wareegey gacan ku haynta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

 

Al-shabaab oo iyagu horay magaaladaas ugu sugnaa ayaa ka baxay waxyar ka hor markii ay ciidamada dawladdu degmadaas gaadheen.

 

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya ayaa lagu arkiyaa wadooyinka waaweyn ee Xudur, waxayna baaritaan ku sameeyeen qaar kamid ah guryaha magaalada.

 

Ka bixitaanka Al-shabaab ee degmada Xudur ayaa imanaya xilli shalay dagaal xoogani uu ka dhacay deegaanka Aboorre oo qiyaastii 25km degmadaas galbeedka kaga beegan.

 

Bil ka hor ayey ahayd markii ay ciidamada DKG ah oo kaashanaya kuwa Itoobiya ay Shabaabka kala wareegeen gacan ku haynta magaalada Baydhabo, kadib markii ay iyadoo wax dagaal ahi dhicin ka baxeen.

 

Xudur ayaa noqonaysa degmada 2-aad ee ugu weyn gobolada Bay iyo Bakool, kuwaas oo laga qabsado ururka Al-shabaab oo iyagu hore inta badan gobolada koonfureed ee Soomaaliga uga talin jirey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al-shabaab oo laga saarey degmada Xudur ee gobolka Bakool

 

Ciidamada DKG iyo kuwa Itoobiya ayaa maanta la wareegey gacan ku haynta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

 

Al-shabaab oo iyagu horay magaaladaas ugu sugnaa ayaa ka baxay waxyar kahor markii ay ciidamada huwantu degmadaas gaareen.

 

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya ayaa lagu arki karaa wadooyinka waaweyn ee Xudur waxayna baaritaan ku sameeyeen qaar kamid ah guryaha.

 

Ka bixitaanka Al-shabaab ee degmada Xudur ayaa imaanaya xilli shalay dagaal xoogani uu ka dhacay deegaanka Aboorre oo qiyaastii 25km degmadaas galbeedka kaga beegan.

 

Bil kahor ayey ahayd markii ay ciidamada DKG ah oo kaashanaya kuwa Itoobiya ay Shabaabka kala wareegeen gacan ku haynta magaalada Baydhabo kadib markii ay iyadoon wax dagaal ahi dhicin ka baxeen.

 

Xudur ayaa noqonaysa degmada 2-aad ee ugu weyn gobolada Baay iyo Bakool taas oo laga qabsado ururka Al-shabaab oo iyagu horay inta badan gobolada koonfureed ee Soomaaliga uga arimin jirey.

 

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada DKMG iyo kuwa Ethiopia oo la wareegay Xudur

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool kadib markii degmadaasi ay ka baxeen kooxfa Al Shabaab.

 

Abaari 12:40 daqiiqo saacada afrikada bari ayaa waxaa gudaha degmada Xudur u galay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia kuwaasi oo xalay ilaa shalay kusugnaa deegaano waxyar 20 km u jira degmadaasi Xudur.

 

Kooxdii Al Shabaab ee hotay gacanta ugu heysay degmadaasi Xudur ayaa la sheegay in ay isaga baxeen degmadaasi kadib markii ay ka warheleen in ay ku soo wajahanyihiin ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ethiopia, waxaana ciidamadaasi ay qabsadeen magaalada iyada oo aan wax dagaal ah ka dhicin.

 

Ciidamada dowladda iyo saraakiisha Ethiopia ayaa durba waxa ay fariisimo ka sameysteen saldhiga degmadaasi Xudur, waxaana ay dadka ugu baaqeen in ay is dajiyaan oo howlahooda ay caadi u wataan.

 

Degmada ayaa waxaa la sheegay in ay durba dib ugu soo laabteen qoysas shalay cabsi uga barakacay degmadaasi kadib markii ay ka warheleen in ay degmadaasi ku soo jeedaan ciidamada Ethiopia.

 

Xaaladda ayaa haatan waxa ay tahay mid degan, iyadoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka ay cirib iyo jaan dhigeen kooxihii Al Shabaab ee gacanta ku hayay degmada Xudur, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Al Shabaab.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya oo dagaal la'aan ku qabsaday degmada Xudur ee Gobolka Bakool

 

Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Ilo wareedyo ku sugan degmada Xudur ayaa u xaqiijiyay HOL in cutubyo ka tirsan ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen xarunta gobolka Bakool iyadoo aysan dhicin wax dagaallo ah.

 

Degmadan oo 450-km dhinaca Galbeed kaga beegan Muqdisho ayaa noqonaysa tii saddexaad oo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay kala wareegaan xoogagga Al-shabaab tan iyo bishii Diseember ee sannadkii hore.

 

Xoogaggii Al-shabaab ayaa isaga baxay degmadaas gallinkii dambe ee shalay kaddib markii uu duleedka degmadaas ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay iyaga iyo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Itoobiya.

 

"Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya ayaa gudaha u soo galay degmada, xalaaddu waa daggan tahay," ayuu yiri goobjooge ku sugan Xudur oo sheegay in ganacsiga oo dhan uu xiran yahay, sidoo kalena dadka ku haray degmada ay guryahooda ku jiraan.

 

Bishii lasoo dhaafay dhammaadkeeda ayay ahayd markii ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya oo isgarabsanaya ay la wareegeen degmada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay kaddib markii xoogaggii Al-shabaab ay si nabad ah uga baxeen degmadaas.

 

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku aaddan ka bixitaankooda degmada Xudur iyo la wareegista ciidamada dowladda KMG ah, waxaase tani ay qayb ka tahay dadaallo ay dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada dalka ku sugan ay ku doonayso inay kula wareegto gobollada ay Al-shabaab ku sugan tahay.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this