The Hermet Posted March 22, 2012 Published On: 22 March 2012 8:56 am Wararka | By Taleex Media Muxuu Hogaamiyaha Al Shabaab u Taageeray Kacdoonka Taleex (Dhagayso) Hogaamiyaha Xarakada Al shabaab ee dhawaan ku biiray ururka Al Qaacida Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaano Abuu Zubayr ayaa dhawaan cajalad maqal ah oo uu soo saaray taaso uu ugu talagalay dhiirigalinta taageerayaashiisa kaga hadlay arimo badan oo la xidhiidha dalka Soomaaliya. Marka laga yimaado hadalada aan ku cusbayn dhagaha Soomaalida ee ka soo baxay Axmed Godane waxaa cajaladan ku cusub soo dahweyn iyo marxabayn uu u jeediyay kacdoonka ka bilawday magaalada Taleex. Axmed Cabdi Godane waxaa uu soo daliishaday xadiis uu lee yahay 100 sanaba Ilaahay wuxuu umada Islaamka u soo diraa cid diinteeda u cusboonaysiisa. ” Waxaa Ilaahay mahadii ah hal qarni ka dib in jihaadkii daraawiishta in mar labaad gulufkii Islaamku ku soo rogaal celiyo dhulkaas” ayuu yidhi Godane. Sidoo kale Axmed Cabdi Godane waxaa uu baaq iyo bvoogaadin u diray koox ka dagaalanta buuraha Golis gaar ahaan kooxda Atom isagoo u tilmaamay in ay kulaalayaan oo ay ku dhaw yihiin dhulkii Daraawiishta sida Taleex,Jiidali iyo Jidbaale. Axmed Cabdi Godane waxaa uu baaq u diray umadda ku nool gobolada Bari,Sool,Sanaag iyo Togdheer isagoo ugu baaqay in ay dib u soo nooleeyaan kaalinkii ay ku lahaayeen Jihaadka. Hadalka Axmed cabdi Godane waa fariin cad oo uu ku taageerayo kacdoonka Taleex ka bilawday dabayaaqadii sanadkii hore kaaso ugu dambayntyii lagu dhisay maamul. Maamulka lagu dhisay Taleex ee Khaatumo oo seddex madaxweyne leh ilaa hada wax war ah kama ayasan soo saarin hadalka Godane uu jeediyay isbuucii hore. Sida laga warqabo maamulka Khaatumo waxaa uu dagaal kala dhexeeyaa maamulka gooni goosad doonka ah ee Hargeysa ka arimiya kaaso xoog ku haysta magaalada Laascaanood sidoo Khaatumo wax xidhiidh ah lama laha maamulka Puntland taa bedelkeedana waxaaba ka dhexeeya loolan siyaasadeed. Dhinaca kale maamulka Khaatumo dhawaan waxaa ay dawlada Soomaaliya kala noqotay taageero loo fidiyay taaso dhalisay in siyasiyiinta dhisay Khaatumo in ay warbaahinta ka weeraraan masuuliyiinta u saraysa dawlada Soomaaliya iyo xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan siyaasada Soomaaliya. Hadalka Godane wuxuu noqon karaa laba mid: 1- In uu taageero iyo beer laxawsi kaga doonayo Khaatumo maadama ay iska soo horjeedaan Somaliland,Puntland iyo xidhiidhka Dawlada Soomaaliya oo aan fiicnayn oo seddexduba dagaal kula jira Al Shabaab markaa in uu Godane is yidhi bal kuwan aayad isku doon saaran tihiin ee taageero ka doono. 2- Axmed Cabdi Godane oo ah nin ka soo jeeda beesha ***** in uu hadalkiisa ugu hiilinayo beeshiisa si beesha caalamku ugu aragto dadka dega gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn in ay yihiin dad ururkiisa tagaeersan loona tixgaliyo goboladaas dhul argagixiso. Dadka aad u daraasaya arimaha argagixisada geeska Afrika ayaa su’aalo ka keenay aamuska Khaatumo ka aamusan tahay muddo toddobaad ka dib hadlakaa ka soo yeedhay Axmed Cabdi Godane. Waxaana ay Khubaradu lee yihiin waxaa loo micnay karaa aamuskaasi in ay taageersan yihiin hadalka taaso ugu dambayn dhalin karta in beesha caalamku il gaar ah ku eegto Khaatumo iyo dadka horkacaya. Khaatumo waxaa sameeyay siyaasiyiin uu dhawr jeer ku fashilmay siyaasada Soomaaliya hadana rajo ka qaba ka qayb galka tartanka madaxnimada Soomaaliya ee bisha August la qoondeeyay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 22, 2012 Bacaaac dheh ,,,,, Horta xamar ku noqo dheh Godane iska daa Somaliland oo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 22, 2012 This is not true the Amiir does not support clan ideas Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Hermet Posted March 22, 2012 I don't know why the hargaisan toilet cleaner turned amir of somalia has decided to support khatumo ilahay ba og..lakin from what taleex media is saying the lunitic supports khatumo which is cajib. He wants in road into Somaliland and see khatumo as a way in...our brothers should know alshabab will not benefit our collective people we don't need suicide bombings and insecurity. Its better to work with each other..we all Somalilanders. If godane had balls he would show his face and I really don't know what islam these shabab believe in they clearly fail to understand the basic logic of islam which is submission and in submission God says the life of a muslim is worth the kabaa itself so if he knew anyThing about islam he wouldn't be going around murdering people. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted March 22, 2012 God says the life of a muslim is worth the kabaa itself Where, which verse, educate us please! Quote Share this post Link to post Share on other sites
ToughGong. Posted March 22, 2012 So Al Qaida in Somalia supports Khaatumo State Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted March 22, 2012 If this is true, Godane is a crafty tribalist. He wants to kill the whole Khaatumo thing with this endrosement. Aduunkuu ku dirayaa. He could not have supported his clan lineage in Somaliland better. :D Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 22, 2012 What i thought Taleex media was bluffing ileen Amiirku he welcomed Khatumo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdul Posted March 22, 2012 Abtigiis;808039 wrote: If this is true, Godane is a crafty tribalist. He wants to kill the whole Khaatumo thing with this endrosement. Aduunkuu ku dirayaa. He could not have supported his clan lineage in Somaliland better. :D Now you have people like xaaji xunjuf getting excited. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 22, 2012 ^^ Why me Abdul i have nothing against khaatuumo khaatumo is my home allow khaatuumo no daa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdul Posted March 22, 2012 Xaaji Xunjuf;808063 wrote: ^^ Why me Abdul i have nothing against khaatuumo khaatumo is my home allow khaatuumo no daa No need for SARCASM warya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted March 22, 2012 Guys, before jumping up and down with your responses.. Look who wrote this, taleex and then look who posted Harinman.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted March 22, 2012 after SL funded their uncle im assuming they requested him to endorse khaatumo as they say desperate moments call for drastic measures..too funny! ...Khaatumo is a recognized state in Somalia. What your uncle Godane says makes no difference to say the least. Way dhaaftay waqtigi aad umada isku dayi jirteen inaad SSC ku sheegtaan argagixiso. Shekadas idinka bay nigu so laabatay ee ha niga saarto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Hermet Posted March 22, 2012 The source is taleex.net a website that supports khatumo. This story isn't even in the somaliland press. No one has hate for khatumo seriously were all one and the same...Godane is monster its just strange how or why he should support khatumo that's all, but inshallah this monster won't come between us...we need peace for all the people...and shabab and khatumo just bring war our people need development and better lives not tribalism and Alqeada. Quote Share this post Link to post Share on other sites