kingofkings Posted March 21, 2012 Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamud Farole ayaa galabta 21, March 2012 dib ugu soo guryo noqdey Garowe kadib socdaal 10 maalmood qaatey oo uu ku marayey deegaano ku yaal gobolka Karkaar. Wafdiga madaxweynaha Puntland ayaa waxa ka mid ahaa wasiirka arrimaha guddaha Gen.Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajir ,kuxigeenka Cali Yuusuf Cali Xoosh, taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi iyo saraakiisha madaxtoyada Puntland. Madaxweynaha ayaa saaka ka soo kicitimey degmada Rako ee gobolka Karkaar oo labo maalmood ku sugnaa isagoo halkaasi kormeero iyo booqashooyin uu sameeyey kasokow si rasmi ah u furey shir lagu heshiisiinayey labo beelood oo wada dega halkaasi. Degmada Dangorayo ayuu wafdiga madaxweynuhu maanta kala kulmey soodhawayn aad u sareysa oo ay ka qayb-qaateen qaybaha kala gedisan ee bulshada ku dhaqan halkaasi waxana uu ka soo jeediyey madashada khudbad taabanaysa danaha gaarka ah ee degmada iyo weliba guud ahaan gayigeena Somalia. Qado sharaf loogu sameeyey madaxweynaha iyo wafdigiisa kadib ayuu dhanka Garowe ku dhaqaaqey waxana duleedka caasimada ku soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire iyo xubno katirsan golaha wasiirada Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted March 21, 2012 Welcome back Mr. President :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites