Sign in to follow this  
kingofkings

Madaxweynaha Puntland oo Garowe (pictures)

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamud Farole ayaa galabta 21, March 2012 dib ugu soo guryo noqdey Garowe kadib socdaal 10 maalmood qaatey oo uu ku marayey deegaano ku yaal gobolka Karkaar.

 

Wafdiga madaxweynaha Puntland ayaa waxa ka mid ahaa wasiirka arrimaha guddaha Gen.Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajir ,kuxigeenka Cali Yuusuf Cali Xoosh, taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi iyo saraakiisha madaxtoyada Puntland.

 

Madaxweynaha ayaa saaka ka soo kicitimey degmada Rako ee gobolka Karkaar oo labo maalmood ku sugnaa isagoo halkaasi kormeero iyo booqashooyin uu sameeyey kasokow si rasmi ah u furey shir lagu heshiisiinayey labo beelood oo wada dega halkaasi.

 

Degmada Dangorayo ayuu wafdiga madaxweynuhu maanta kala kulmey soodhawayn aad u sareysa oo ay ka qayb-qaateen qaybaha kala gedisan ee bulshada ku dhaqan halkaasi waxana uu ka soo jeediyey madashada khudbad taabanaysa danaha gaarka ah ee degmada iyo weliba guud ahaan gayigeena Somalia.

 

Qado sharaf loogu sameeyey madaxweynaha iyo wafdigiisa kadib ayuu dhanka Garowe ku dhaqaaqey waxana duleedka caasimada ku soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire iyo xubno katirsan golaha wasiirada Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this