kingofkings Posted March 21, 2012 Tuulada Xunbeys ee ku taal dooxada Kodmo ee gobolka Karkaar ayaa 19,March 2012 waxa si aad u balaaran la isugu soo baxay martigelinta wafdigii u horkacayey madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole oo socdaalka ku marayey deegaano ka tirsan Karkaar. Odayaasha dhaqanka ee reer Xunbeys, gudiga dhex-dhexaadinta labada beelood ,xildhibaano iyo wasiiro ka soo jeeda deegaanka ,ardeyda iskuulada iyo haweenka Xunbeys ayaa sacab ,alalaase iyo mashxarad u tumey madaxweynaha Puntland oo talaabadan inabadan looga mahadceliyey. Qado ayuu wafdiga madaxweynuhu ku lahaa Xunbeys,waxana kulan uu la qaatey sidoo kale odayaasha dhaqanka beesha Cali Saleebaan oo dhinac ka ah labada beelood oo dirirtu horey u dhexmartey. Warbixino iyo balanqaad diyaar inay u yihiin nabad ayuu ka dhageystey madaxweynuhu ,waxana uga mahad celiyey qaabka wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Xunbeys iyo weliba martiqaadka loo fidiyey. Quote Share this post Link to post Share on other sites