Dr_Osman Posted March 21, 2012 Garoowe (APL ) : Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland Maxamuud Xaaji Saalax ayaa ka warbixiyey Howlaha Wasaaradda iyo Waxa u qabsoomay Mudadii Sanadka ahayd ee uu Wasiirka ka ahaa Beeraha iyo Waraabka,waxaana uu sheegay inuu qabtay arrimaha ay ka midyihiin 1. Wacyigelin la siiyey shaqalaha iyo khabiirada Beeraha ee Wasaaradda 2. Tababaro iskaashatooyinka iyo Beeralayda puntland taas oo la xiriirta Horumarinta Beeraha 3. Hagaajinta Xiriirada Hay,addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Mashaariicda Beeraha Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradiisu ay u diyaargarobayso sidii loo Kaydin lahaa Biyaha Xilyadda Roobku Da,aan soo mara Togaga iyo Laagaha, iyadoo loo Habaynayo Biyo Qabatino ama Goobo lagu Joojiyo si loo adeegsado Xilliyadda Jiilaalka ah ee ay abaaruhu jiraan,loogana Faaiidaysto Waraabka Beeraha iyo Xoolaha , Wasiir Birijkole ayaa sheegay in Siyaasadda Beeraha ay ku jirto Dibu eegis ,iyadoo la ogaaday in Puntland ay ka midtahay Deegaanadda soomaalida Meelaha dhul beereed ka ku wanaagsan ,Xogta la hayana ay filayaan in kaalinta kowaad ay ciriirsanayso puntland , waxaa uu sheegay wasiirku in ay jirto Xiligaan Biyo Yaraan haysata Beeralayda Yaryar ee soo koraysa ,Taas oo lagu wado in Ceelal Badan laga hergalindoono Deegaanadda Dhulbeereedka ku Haboon, Wasiirku waxaa uu ugu Baaqay Dadka Reer Puntland eek u dhaqan Dibadaha in ay Maalgashadaan Dhulka puntland oo ah meel ku Haboon Beerista Dalagga kala Duwan,iyadoo puntland ay ka khafiifindoonto adeegyadda Beeraha ee ay lasoo Degayaan, ALLPUNTLAND Saalim.org@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted March 21, 2012 Puntland wa inay gasha no 1 most agriculturally active state in Somalia, if we can build the infrastructure required and the technology the will power is there, watch out for thie key industry somaliyay your being left behind because puntland is doing huge focus on this sector like never before Quote Share this post Link to post Share on other sites