Sign in to follow this  
Dr_Osman

Farole Visits His Hometown Dangarayo and Recieves a Huge Welcome Plus Settles Feuds In Karkar

Recommended Posts

Dr_Osman   

DANGOROYO : M-waynaha Puntland oo si wayn loogu soo dhaweeyay Dangoroyo Khubadna u jeediyay dadkii soo dhaweeyay

 

March 21, 2012 11:23 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

 

Dangoroyo:-M-waynaha Dr. Cabdiraxmaan Faroole oo ka soo kicitimay maanta (Arbaco) tuulada Rako ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay Degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal, waxaana si diiran u soo dhaweeyay dadwayne aad u badan iyo maamulka deegaanka, waxaana uu khudbad u jeediyay dadkii soo dhaweeyay.

 

M-waynaha, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida diiran ee loo soo dhaweeyay, waxaana uu sheegay in ay tahay mid uu filayay uuna u dhashay magaalada uuna ogyahay in laga jecel yahay.

 

Waxa uu sheegay in uu dareemi karo in deegaanka uu waxyaalo badan tabanayo oo u baahan yahay, hase ahaate, waxa uu yiri “Geeljirow wax kasta oo aad qabtid reer Ari waa kaa hooseeyaa……”, taas uu ku macneeyay in magaalada Dangoroyo ay u jirto Caasumada in ka yar 100Km, balse ay tageen oo ay soo arkeen deegaamo badan oo aad u fog oo ay ka jiraan baahiyo aad u badan loona baahan yahay in wax loo qabto.

 

M-waynaha, oo ku soo jeeda Caasumada Puntland ee Garoowe ayaa maanta qado-sharaf ku leh Degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal, waxaana uu M-waynuhu todobadkan ku maqnaa gobolka Karkaar oo u tagay heshiisiinta beelo walaalo ah oo halkaasi wadadaga.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Madaxweynaha Puntland oo kulan ka furey Rako Raaxo

 

20 Mar 20, 2012 - 8:49:55 AM

 

Madaxweynaha Puntland oo ka qeyb galay munaasabad lagu heshiisiinayay beelo walaala ah oo wada degmada Rako ee gobolka Karkaar.

 

Munaasabadaas oo ay goob joog ka ahaayeen ergooyin isugu jira isimo, culimaa'udiin, aqoon yahno, odayaal dhaqameed iyo indheergarad.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa munaasabadaas ka akhriyey khudbad dheer uu kaga hadley xalinta khilaafaadkaas.

 

Waftiga Madaxweynaha Puntland ayaa maalmihiii lasoo dhaafey ku sugnaa degmada Qardho halkaasoo kulamo kula qaatey shacabka iyo mas'uuliyiinta gobolka Karkaar.

 

Dowlada Puntland oo xilka iminka haysa ayaa muhiimad gaar ah siineysa xalinta khilaafaadka beelaha walaalaha ah ee wada daga degaamada Puntland.

 

Khudbadihii laga jeediyay waxaa warbixintan nooga diyaariyay wariye Axmad Cawil Jaamac (Halkan ka dhegeyso).

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Warbixin_kulan_ka_furmey_degmada_Rako_Raaxo.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Somalia: President Farole travels through Karkaar region

20 Mar 20, 2012 - 9:34:18 AM

 

QARDO, Somalia Mar 19 2012 (Garowe Online) – A delegation led by Puntland President Abdirahman Mohamed Farole, met with clan elders and other district officials in Puntland in the region of Karkaar on Monday, Garowe Online reports.

 

President Farole traveled to the district of Dhudo to meet with the mayor of Bayla, Saeed Adan Ali. After meeting with president Farole, Mayor Saeed told reporters that he discussed the issue of illegal fishing on the coast of Puntland and how it could be dealt with. He also discussed development projects in Bayla so the local authorities are capable of dealing with issues like illegal fishing.

 

Mayor Saeed said that president Farole promised that his government would deal with the issues mayor Saeed raised in the coming future.

 

After departing from Dhudo, President Farole and his delegation consisting of regional officials, MPs, clan and religious leaders traveled to Rako; where Farole and his delegation have been trying to get to get two clans in the region to reach a peaceful resolution over a killing.

 

The mediation between the two clans has taken president Farole through Karkaar region meeting with district officials, clan elders, community and religious leaders in the district of Rako early Monday morning.

 

President Farole and his delegation are currently still meeting with clan elders and religious leaders in Rako.

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Madaxweynaha Puntland oo soo afmeeray socdaalkii Karkaar kuna soo laabtay Garoowe

 

Updated:- 1 min ago| 0 Commnets

 

Waxaa magaalada Garoowe maanta soo gaarey wefdi uu horkacyao madaxweyne Cabdiraxamaan Maxamed Maxamuud Faroole oo saacado kahor kasoo kicitimay degmada Rako oo ay beryihii u danbeeyey joogeen.

 

Wefdiga madaxweynaha oo ay ku jiraan xubo ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa soo afmeeray socdaal dhowr beri qaatay oo ay ku marayeen deegaano ka tirsan gobolka Karkaar.

 

Waxayna degmada Rako kasoo tageen barqanimadii maanta iyagoo laamiga ka qabsaday meel dhinaca koonfurta ka xigta magaalada Qardho oo ay iyada Rako kahor mudo dhowr beri ah ku sugnaayeen.

 

Madaxweynaha iyo wefdigiisu kahor intii aysan caasimadda gaarin waxay ku hakadeen degmada Dangorayo halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyey iyo qaar kamid ah tuulooyinka u dhexeeya Garoowe iyo Qardho.

 

Socdaalka uu Dr.Faroole ku tegey magaala madaxda gobolka Karkaar iyo deegaano kale oo gobolkaas ka tirsan oo ay kamid yihiin Xunbeys, Dhuudo, iyo Rako ayaa ahaa mid taariikhi ah.

 

Wuxuuna madaxanaha Cabdiraxmaan noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland kaas oo socdaal shaqo oo mudo intaas le’eg qaatay ku taga deegaano ka baxsan dhulka laamiga ah iyo magaalooyinka waaweyn.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this