Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Mawliid Macaane rejects Banadir state of Somalia

Recommended Posts

Mowliid Macaane: Waa sharci Maamulka Banaadir State

 

Nairobi: (Sh. M. Network) - Xildhibaan ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in Maamul goboleedka Banaadir State uu yahay mid si sharci ah ku dhisan islamarkaana dadka dhaliilay ay wataan dano gaar ah.

 

Mowliid Macaane Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada barlamanka KMG ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in sida axdiga federalka ah uu qabo 2-gobol iyo in ka badan ay sameysan karaan Maamul goboleed, hadiise Maamulka Banaadir state uu ku yimid rabitaanka shacabka ku nool goboladaasi uu yahay mid sharci ah.

 

Xildhibaan Mowliid Macaane oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tilmaamay in loobaahan yahay in la eego danaha shacabka islamarkaana laga fogaado is qab qabsiga had iyo jeer Soomaalida u dhexeeya, isagoo shaqsiyaadka horay u dhaliilay Maamulka Banaadir state ku tilmaamay kuwo dano gaar ahi wata sida uu hadalka u dhogay.

 

Maamulka Banaadir State oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ayaa waxaa la tilmaamay inuu ka shaqeyn doono gobolada Sh/hoos, Sh/dhexe iyo Banaadir, waxaana horay u jiray dhaliilo farabadan oo loo soo jeediyay nidaamka lagu soo dhisay Maamulkaasi.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this