Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Cabdilahi Axmed Cadow visits Visits Mogadishu he will run for President.

Recommended Posts

C/laahi Axmed Cadow oo sanado kadib soo gaaray Muqdisho

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Siyaasiga C/laahi Axmed Cadow oo maanta soo gaaray Magaalada Mudisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport kusoo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada sida Ururada Haweenka, Dhalinyarada, Fanaaniinta iyo qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

 

Siyaasiga oo gudaha Garoonka ugu horeyn kula hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu u mahaceliyay dadkii ka qeyb gaatay soo dhaweyntiisa iyo shaqsiyaadkii soo abaabulay, isagoo sheegay in tani ay ku beerayso dareen gooni ah, waxaana uu sheegay in shacabka looga baahanyahay inay muujiyaan midnimo si looga baxo dhibaatada.

 

Intaasi kadib ayaa siyaasiga waxa loo galbiyay Hoy uu ku leeyahay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, waxaana shir jaraa’id oo uu ku qabtay halkaasi uu ku sheegay u jeedkiisa ku aadan safarka uu ku yimid Magaalada Muqdisho, isagoo ku sababeeyay in uu arko xaaladda ka jirta dalka iyo doorka uu ka qaadan karo samata bixinta shacabka Soomaaliyeed.

 

Prof: C/laahi Axmed Cadow ayaa mar la waydiiyay suurta galnimada in mar kale uu u tartamo xilka madaxtinimo ee dalka ayaa waxa uu sheegay inay dhici karto madaama sida uu hadalka u dhigay shaqsiyaadkii uu horey ula tartamay aan soo kordhin wax is badal ah, baahidii loo doortana ay wali taagantahay.

 

Siyaasiga C/laahi Axmed Cadow oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan dalka ayaa dad badani waxa ay ku xusuustaan xilliyadii uu isku soo taagay doorashooyinkii Madaxtinimo ee ka kala dhacday Magaalooyinka Carta iyo Ildoreed ee dalalka Jabuuti iyo Kenya xilligaasi oo uu la tartamay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya C/qaasin Salaad Xasan iyo C/laahi Yuusuf Axmed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Prof. Cadow oo maanta si rasmi ah u shaaciyey inuu u sharaxan yahay xilka Madaxweynenimo sheegayna Qorshahiisa hadii uu ku guuleysto Madaxtinimada dalka.

 

Posted: March 19/2012, 4:24 pm

 

Musharaxa u qaataan qabashada xilka Madaxweynenimo Prof. C/laahi Xassan Cadow ayaa maanta soo bandhigay waxyaabaha uu ka qabanayo xaalada dalka hadii uu ku guuleysto Madaxweynenimada Soomaaliya.

 

Siyaasiga C/laahi Axmed Cadow oo maanta Magaalada Muqdisho ku qabtay kulan su’aalo lagu waydiinayay oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa uu si rasmi ah u shaaciyay in uu u yahay musharax u taagan xilka Madaxtinimo ee dalka, isagoo balan qaaday in wax badan uu ka qaban doono xaaladda dalka hadii uu ku guulaysto jegadaasi.

 

Siyaasiga ayaa sheegay in wax ka qabashada dalka uu u leeyahay waayo aragnimo buuxda, isagoo tilmaamay in marxaladda dalka uu haatan ku sugan yahay uu aaminsanyahay in uu wax badan ka qaban doono, waxaana uu intaasi ku daray in beesha Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed uu u cadeynayo in xilligaani uu u taaganyahay xilkaasi.

 

C/laahi Axmed Cadow ayaa balan qaaday in hadii uu ku guulaysto doorashada Madaxtinimo uu xoogga saari doono dhinacyada nabadda, dhaqaalaha iyo dhisidda Ciidamada xooga dalka Sooamaliya si ay u hantaan ammaanka dalka sida uu hadalka u dhigay.

 

Ugu dambeyn Prof. C/laahi Axmed Cadow ayaa waxa uu soo dhaweeyay wadamada ka socda qaaradda Afrika ee Ciidamadoodu ay joogaan Soomaaliya, isagoo taasi ku tilmaamay mid lagu taageerayo shacabka Soomaaliyeed, maadaama dalka aan ka jirin nidaam iyo kala dambeyn la isku haleyn karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this