Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Turkish delegation arrives in the Somaliland republic+VIDEO

Recommended Posts

Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabilay wefti ka socday dalka Turkiga oo Socdaal ku yimid Somaliland

 

March 18th, 2012

 

a href=”http://www.somaliland.org/images/b/2012/03/turkiga3.jpg”>Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Ha’yada dalka Turkiga u qaabilsan iskaashiga iyo xidhiidhka oo hoos yimaadda Raysal wasaaraha dalkaasi.

 

Waxyaabihii kulankaasi lagu falanqeeyay waxa war-saxaafadeed ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxaanu u dhignaa sidan:-

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Hay’adda Dawladda Turkiga u qaabilsan wax-wada qabsiga iyo xidhiidhka oo hoos timaada Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee Jamhuuriyada Turkiga.

 

Abdulahad Kokdagi oo ah TIKA SOMALI PROGRAM COORDINATOR ayaa madaxweynaha uga waramay ujeedada Socdaalka uu weftigiisu ku yimid dalka waxaanu sheegay inay Dawladdiisu diyaar u tahay sidii ay Somaliland uga caawin lahayd, Baahiyaha Horu-marineed hadii ay noqon lahayd wadooyinka, caafimaadka, waxbarashada iyo wixii la mida.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Dawladda turkiga ku amaanay fir-fircoonida xidhiidhka caalamiga ah ee ay la leedahay Dunida inteeda kale.

< Madaxweynuhu waxa uu sheegay in uu xidhiidh fac-weyni ka dhaxeeyo Turkiga iyo Somaliland.

 

Ugu danbayna Madaxweynuhu waxa uu ka waramay baahida ay Somaliland u qabto kaalmada Turkiga oo uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inay rummoobi-doonto, wasiiradda, Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta iyo Macdanta, Tamarta & Biyaha, ayaannu u xil-saaray inay weftiga u qadimaan baahiyaha Lama huraanka ah ee ay Dawladda Turkigu ka caawin karto Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

Che -Guevara;805804 wrote:
Turkey remains true to its word of bringing development projects to the northern Somalia.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

I hope to see this team go to all the newly liberated regions of Somalia especially Beledweyne, Baidoa and the Gedo regions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this