Sign in to follow this  
kingofkings

Qardho center of Puntland (W.dekedaha Puntland iyo mas’uuliyiin ka tirsan UNODC)

Recommended Posts

Wasiirka Dekadaha,gaadiidka badda iyo ladagaalanka burcad badeedka iyo wafdi ka socday Hey’adda Qaramada midoobe u qaabilsan arimaha denbiyada iyo muqaadaraadka ayaa maanta waxa ay soo gaareen magalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar.

 

wafdigaan ayaa soo booqday saldhiga booliska,xabsiga weyn waxa ayna soo booqdeen qeybaha oo ka koobanayahay xabsiga weyn ee magalada Qardho kaas oo dhismihiisa dhamaad ku dhowyahay.

 

Wafdigaani ayaa waxa ay warbixino ka dhageesteen saraakiisha gacanta ku haya xabsiga weyn ee magalada Qardho, waxa ay sheegeen in xabsiga uu marayo dhamaad iyadoo la filaayo in gacanta laga jaro mardhow.

 

Wasiirka Dekadaha,gaadiidka badda iyo ladagaalanka Burcadbadeedka ayaa sheegay in ujeedka Qardho ay u yimaadeen in ay tahay sidii ay kormeer guud ugu sameyn lahaayeen xarumaha amniga ee ku yaalo magalada Qardho,iyo sidii ay wax ugu ogaanlahaayeen xaaladaha xabsiga weyn ee magalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

 

Madaha u qaabilsan dhanka saxaafadda Hey’adda qaramada midoobe u qaabilsan danbiyada iyo muqaadaraadka UNODC Wayne Miller ayaa sheegay in ay wadaan kormeer ay ku marayaan xabsiyada iyo saldhigyada booliska ee ku yaalo guud ahaan magalada Puntland,

 

waxa uu sheegay in wadaan qorshayaal ku aadan sidii kooxaha burcad badeedka marka laqabti sidii loogu maxkamadeynlahaa gudaha somaliya, waxa uu xusay in magalada Garoowe ay ka qorsheenayaan in ay dhisaan xabsi weyn kaas oo mustaqbalka laga yaabo in lagu soo xiro maxaabiista burcad badeedka loo heysto danbiyada Culculus.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Come on guys xasidnimada iska daaya, Puntland is booming admit it and stop lying to yourself or are you going to blindly ignore all the cities and towns with a boom happening in every sector? come on guys just swallow your pride and admit it you have been left behind.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this