kingofkings Posted March 16, 2012 Wafdiga ka socda Turkiga ayaa saaka 16, March 2012 ka hor inta aysan ka anbabixin Garowe waxay kormeer ku tageen goobo ku yaal magaalada sida xarunta iskuulka farsmada gacanta GVTC ,xarunta wasaarada waxbarashada Puntland iyo weliba garoonka diyaaradaha Garowe. Masuuliyiinta Puntland sida wasiirka caafimaadka Dr.Cali Cabdulahi Warsame ,wasiirka dhalinyarada Cabdiweli Xirsi Cabdule,Wasiirka waxbarasha Dr.Cabdi Faarax Juxa ,agaasimaha guud ee waxbarashada Puntland Maxamed Cabdiwahab Axmed ,agaasimaha waaxda mashaariicda ,tababarka macalimiinta iyo xirfadlayaasha Maxamed Cali Faarax ayaa qayb ka ahaa kormeerkii goobaha waxbarasha maanta Garowe lagu marsiiyey wafdiga Turkiga. Turkigu waxa uu balanqaadey inuu wax fiican ka qaban doono arrimaha bulshada gaar ahaan horumarinta waxbrashada ,waxana uu wasiirka waxbarashadu gudoonsiiyey wafdiga dukument lagu xusey baahiyaha waxbarashada. Booqashadooda ayay ku soo khatimeen Garowe garoonka diyaaradaha oo ay soo indha-indheeyeen xaaladiisa iyo qaabka wax looga qaban karo. Quote Share this post Link to post Share on other sites