Sign in to follow this  
kingofkings

Booqashada Turkiga Garowe (pictures)

Recommended Posts

Wafdiga ka socda Turkiga ayaa saaka 16, March 2012 ka hor inta aysan ka anbabixin Garowe waxay kormeer ku tageen goobo ku yaal magaalada sida xarunta iskuulka farsmada gacanta GVTC ,xarunta wasaarada waxbarashada Puntland iyo weliba garoonka diyaaradaha Garowe.

 

Masuuliyiinta Puntland sida wasiirka caafimaadka Dr.Cali Cabdulahi Warsame ,wasiirka dhalinyarada Cabdiweli Xirsi Cabdule,Wasiirka waxbarasha Dr.Cabdi Faarax Juxa ,agaasimaha guud ee waxbarashada Puntland Maxamed Cabdiwahab Axmed ,agaasimaha waaxda mashaariicda ,tababarka macalimiinta iyo xirfadlayaasha Maxamed Cali Faarax ayaa qayb ka ahaa kormeerkii goobaha waxbarasha maanta Garowe lagu marsiiyey wafdiga Turkiga.

 

Turkigu waxa uu balanqaadey inuu wax fiican ka qaban doono arrimaha bulshada gaar ahaan horumarinta waxbrashada ,waxana uu wasiirka waxbarashadu gudoonsiiyey wafdiga dukument lagu xusey baahiyaha waxbarashada.

 

Booqashadooda ayay ku soo khatimeen Garowe garoonka diyaaradaha oo ay soo indha-indheeyeen xaaladiisa iyo qaabka wax looga qaban karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this