Caano_Geel Posted March 16, 2012 “Xayaabkii cir da'ayeey Daruur shalka xayddaay Xulad geenyo ugubeey Darmaan xoosh u dhalataay Xil-dhibaanka nabaddaay Xajkii Geeska Bariyeey Cadceeddoo xab-bururtaay Marna xabag barsheeddii Nafta xiisa gelisaay Xudduntii dhulkaygaay Xaruntii dadkaygaay Xamareey ma nabad baa? Xiddigtii bahdeediyo Xubnaheeda kala maqan U ahayd xusuustee Sumaddooda xaynkiyo Shanta gees u xidhataay. Xudduntii dhulkaygaay Xaruntii dadkaygaay Xamareey ma nabad baa? Laamaha xorriyaddiyo Xayn-daabka calankee Xejinaaya dhalashada Xididkay ka beermaan Xinjir laga waraabshaay. Xudduntii dhulkaygaay Xaruntii dadkaygaay Xamareey ma nabad baa? Carra-edeg xanteediyo Xaska weli dhex-yaalliyo Xaskulaha in laga guro Danahooda xigashiyo Xagal-daac in laga jiro Tii loo xil-saaraay. Xudduntii dhulkaygaay Xaruntii dadkaygaay Xamareey ma nabad baa? Isticmaarku xeel iyo Xanaf iyo wax-yeelliyo Xanan iyo dhibaatiyo Xadhko miidhan weeyoo Sida geed xajiinluu Xagxagtaa kor kaagee Xadantada gumeystaha Xaram lagaga maydhaay Xudduntii dhulkaygaay Xaruntii dadkaygaay Xamareey ma nabad baa? Danta inay xaraashaan Dembi inay xambaartaan Ama sharafka xooraan Isticmaar la xididaan Ama xeer la yeeshaan Nimankii ka xila-furay, Naftu waxay u xilataa Dhegta xeerinteedee, Nolol aan xarrago wadan Nimankii xanuunkiyo Xabsiyada ka door-biday Gobannimo xaq weeyee Inta geesi loo xidhay Ama xawda laga jaray Geerida xalaasha ah Nimankii xantoobsaday Halka lagu xormeeyaay Xudduntii dhulkaygaay Xaruntii dadkaygaay Xamareey ma nabad baa? Shinnida Xumbaaliyo Sida xaydha-weyntii Nimankay Xawaashiyo Xaab-qaaddu keentee Xagga sare ka soo degey Dhulka xaabadii tiil Nimankii xambaartee Dhirta xaalufka u rogey Dunidaan is-ximinnoo Xasillooni loo yaal Dadku kala xishoodaan Nimankii xaduurkiyo Xadaafiirta geliyee Inta ay xifaaliyo Xumo iyo colaad iyo Xiisadaa ku kiciyeen Xolad daba ku olosheen Xadhkaheeda kala furay Xidid iyo tol wada yaal Nimankii hub xoogliyo Xakamaha ku kala raray Kala xaday walaalaha Marwadii xanjeerrayd Nimankii xabbaadhee Xawawaray dhasheedii Kuwa midabka ximiyee Xaqlahana addoonsada Xistigiyo gumeystaha Birta looga xiiriyo Halka lagu xabaalay Xudduntii dhulkaygaay Xaruntii dadkaygaay Xamareey ma nabad baa? Sida xuur wedkeedii Xan ahaa ku maqashaan Amba xiisahaagii Xamarey la dhuubtoo Xalay waxan baraarugey Iyadoo xiddayseey Inta xaysku kuu da'ay Dhulku wada xareed iyo Xamash iyo ugbaad iyo Xilli yahay barwaaqoo Dayaxaagu xaynkiyo Xuubkii dillaacshoo Inta uu xanjaadkiyo Xagal qudha la soo baxay Dusha sare xinnaystoo Dhallinyaro xariiriyo Halbo Xuural-caynii Isasoo xusheenoo Xeebtaada yaabka leh Inta ay xaraaraha Laba laba u xaadheen Xusullada dhigteenoo Xeerkii kal-gacalkiyo Lagu jiro xisaaboo Xantu hoos u socotoon Aniguna Xayaad iyo Xiddigtii jacaylkee Shanta xaraf mid lagu daray Xog-waraysanaayoon Kolba xaada cududdiyo Xaradhkiyo garaaraha Il-badhkeed ku xadayee Xudduntii dhulkaygaay Xaruntii dadkaygaay Maxaad aniga oo xidhan Lahashada xanuunka leh Ii xusuusinaysaa?” Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted March 17, 2012 Is this your creation ya Caanogeel? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cambuulo iyo bun Posted March 17, 2012 carafaat im dissapointed at you, its written by the by the great Hadraawi Quote Share this post Link to post Share on other sites