Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Kenya's deputy parliament speaker Somalis in Kenya different than the one in Ethiopia

Recommended Posts

Md, Macalin " Maaha in wax la isku khaldo Soomaalida NFD iyo kuwa K5-aad waa Kenyaan iyo ithopian soomaalida la wadaaga jinsiyad"

 

Nairobi(SPR) Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Kenya Mudane Faarax Macalin ayaa xalayto mar uu ka hadlay TV-ga K24 ee dalka Kenya waxaa uu si qoto dheer uga hadlay jinsiyada Soomaalida degan dalalka deriska ah iyo kuwa Soomaaliya ku nool.

 

Faarax Macalin waxaa uu soomaalida ka codsaday in aysan isku khaldin jiritaanka jinsiyada iyo deegaanka isagoo sheegay in ay yihiin dad Kenyaan ah dadka ku nool deegnada NFD ee Gobolka Woqooyi Bari Kenya la yiraahdo.

 

Waxaa kaloo uu sheegay in ay yihiin dad Ithopian ah dadka ku nool Gobolka K5 ee dalka Ithopia waxaase uu sheegay in aan meesha laga saari karin dhalashada Soomaalinimada waxaase uu sheegay in ay jiraan dad badan oo wax isku khaldna isla markaasna yiraahda dad dal kale u dashay ayaa Soomaali ah.

 

” Dadka yaysan isku qaldin Jinsiyada Dadka Soomaalida ah waxaan qirayaa in Soomaalida Gobolka ay yihiin Dad Kenyan ah oo kaliya leh Jinsiyada Soomaalida, kuwa ku nool K5 iyana waa la mid ah waa ithopian." Faarax Macalin.

 

Faarax Macalin waxaa uu sheegay in ay jireen taariikho hore iyo wakhtigii guumaysiga oo Soomaaliya la kala qaybiyey waxaana la sheegay in Soomaalida Ithopia is qabqabsi badan kadib in gacanta loo geliyey ithopia, balse waxaa uu xusay in dadka ku nool NFD in ay yihiin dad Kenyaan ah oo dhibaato soo marin markii lagu soo daray Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this