Sign in to follow this  
Somalia

Turkish TIKA arrive in Gaalkacyo, Puntland (Pictures)

Recommended Posts

Somalia   

Turkish International Cooperation and Development Agency

 

More pictures: http://horseedmedia.net/2012/03/16/wafdi-ka-socda-dawlada-turkiga-oo-soo-gaaray-magaalada-gaalkacyo-sawiro/

 

Wafdi balaaran oo ka socda hay’ada u qaabilsan dawlada turkiga horumarinta ayaa soo gaaray magalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug .

 

Wafdigan oo ka socda hay’ada TIKA ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dawlada puntland oo ka mid yahay wasiirka caafimaadka Dr Cali Cabdulahi warsame ,Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug iyo duqa degmada Gaalkacyo.

 

Wafdigan oo inta ay joogaan Puntland u koor gali doona mashaariic horumarineed oo ay dawlada turkiga ka fulinayso puntland ayaa ugu horayti waxay booqashdooda ka bilaaben garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo oo ka mid ah goobaha ay dayactitrka ku samayn doonaan .

 

Maareeyaha garoonka Gaalkacyo Cabdulraxman Siciid (Dhagaweyne) ayaa sharaax dheer ka siiyay wafdiga baahida rasmiga ah ee garoonka Gaalkacyo iyo adeegyada ka dhiman garoonka isagoo sheegay in garoonka aan wax dayactir ah lagu samayn tan iyo markii la dhisay.

 

Wasiirka caafimaadka dawlada Puntland Dr Cali Cabdulahi Warsame oo gudaha garoonka saxaafada kula hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan wafdigan ka socda dawlada Turkiga iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fulin doonaan gudaha Puntland.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in hay’adan ay wax ka qaban doonto dayactirka garoonka diyaaradaha ee gobolka iyo wada laamiga ah ee isku xirta magaalada Gaalkacyo iyo Garoowe oo ah wado aan helin wax dayactir ah intii ay dhisneed dawlada puntland.

 

Madaxa Wafdiga hay’ada Tika Mr Axad ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyen iyo sida ay ugu soo bandhigeen baahiyada ay qabto degmada Gaalkacyo sida dayactirka garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo.

 

Wafdigan ayaa markii ay soo dhamaatay booqashdooda gaalkacyo waxay u safreen dhanka caasimada puntland ee Garoowe iyagoo la sii tusi doono wadada laamiga ah ee isku xirta labadan magaalo oo burbur xoogan uu ka muuqdo.

 

Hay’ada Tika ayaa u qaabilsan dawlada Turkiga horumarinta waxayna mashaariic badan ka fulisay kuunfurta soomaliya iyadoo dayactir weyn ku samaysay garoonka diyaaradaha ee Adan cade Muqdisho waxaana ay haatan ka bilaabi doonaan mashriic horumarineed deeganada Puntland.

 

100_2123.jpg

100_2133.jpg

100_2154.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

more development for galkayo is good for all puntland, but lets make sure this goes beyond round table talks and hits the streets immediately!!! We gotta make sure we move ahead at rapid rates

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this