Sign in to follow this  
Somalia

Puntland Health Minister visits Dhahar (Pictures)

Recommended Posts

Somalia   

Garowe: Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa shalay gaarey degmada Dhahar ee Gobalka Hayland halkaas oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyey. Wasiirka ayaa waftigiisa waxaa ka mid ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. C/risaaq Xirsi Xasan iyo Xildhibaan C/laahi Ducaale Cali oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee laga soo doorto Gobalka Hayland.

 

Wasiirka Caafimaadka ayaa waxaa magaalada Dhahar duleedkeeda kusoo dhaweeyey oo kaga horyimid duqa degmada Dhahar Salaad Xasan Shire iyo xubno ka mid ah maamulkiisa waxaana markaas ay waftiga wasiirku tageen Isbitaalka Degmada Dhahar halkaas oo ay ku sugnaayeen Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobalka Hayland iyadoo waqtigaasna ay ku jireen shaqada Ololaha Talaalka maalmaha caafimaadka caruurta.

 

Booqashada Waftiga Wasiirka oo ujeedkeedu ahaa Kormeerid Xaalada Caafimaadka ee Gobalka Hayland ayaa booqdey Isbitaalka Degmada Dhahar iyo goobo uu ka socday Talaalku ayna fadhiyeen Kooxaha ka shaqeynayay talaalka Maalmaha Caafimaadka Caruurta oo isagu todobaadkan ka bilowdey guud ahaan Gobalada iyo Degmooyinka Puntland.

 

Waftiga Wasiirka Caafimaadka ayaa waxaa warbixin kooban siiyey Madaxda Wasaaradda Caafimaadka ee Gobalka Hayland uuna ugu horeeyo Isuduwaha Caafimaadka Gobalka Jaamac Maxamed Samatar, Agaasimaah Isbitaalka Maxamed Saalax Bardaan iyo Dhakhtarka kaliya ee Isbitaalka Degmada Dhahar Dr. C/qaadir Ciise Yuusuf.Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobalka Hayland Jaamac Maxamed Samatar ayaa ka warbixiyey Xaalada Caafimaadka ee Gobalka wuxuuna sheegay in Gobalku uu cusub yahay xaaladiisa caafimaadna ay tahay mid u baahan wax ka qabasho isagoo carabka ku dhuftey in baahida Gobalka aan lasoo koobi Karin.

 

Agaasimaha Isbitaalka Degmada Dhahar Maxamed Saalax Bardaan ayaa isaguna ka warbixiyey Isbitaalka Degmada Dhahar wuxuuna u sheegay madaxda ugu saraysa Wasaaradda in Isbitaalku uu yahay Isbitaal u baahan gacan weyn, dhismihiisu uu yahay dhise qadiimi ah una baahan in dayactir lagu sameeyo isla markaasna qaybihiisa la balaariyo, wuxuu kaloo sheegay in Isbitaalku uusan lahayn qalab la sheego oo ay ku shaqeeyaan sidoo kalena dhakhaatir la’aani ay jirto iyo shaqaalaha oo badankoodu uusan mushahaar qaadan. Agaasimaha Isbitaalku waxa kale oo uu sheegay in Shaqaalaha Caafimaadku ay u baahan yihiin Tabobaro aqoontooda kor loogu qaado. Bardaan waxa uu ka codsaday Wasiirka Caafimaadka iyo Agaasimaha guudba in si deg deg ah ay Wasaaraddu baahiyaha wax uga qabato ayna la kaashadaan Dowladda hay’adaheeda iyo waliba hay’adaha caalamiga ah isagoo sidoo kale codsigiisa ku daray in Wasaaraddu ay Isbitaalka Degmada Dhahar iyo guud ahaan Gobalkaba kusoo xirto hayad.

 

Duqa Degmada Dhahar Salaad Xasan Shire ayaa isaguna ka maamul ahaan waxa Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame uga mahadceliyey booqashada taariikhiga ah ee ay isaga iyo waftigiisa Wasaaradda Caafimaadku ku tageen Degmada Dhahar ee xarunta Gobalka Hayland ee dowladda Puntland, wuxuuna sheegay in booqashadan inay tahay mid kusoo hirasho wacan leh isagoo u rajeeyey wasiirada kale ee Wasaaraddaha dowladda Puntland inay kusoo daydaan wasiirka caafimaadka oo si geesinimo leh u tagay Gobalka Hayland ee Puntland.

 

“Booqashadiina waan ka mahadcelinayaa mudane Wasiir iyo agaasime waxayna booqashadani tahay tii ugu horeysay ee ay ku yimaadaan Wasiir iyo Agaasime guud oo aan Gobalkan kasoo jeedin waa mahad gaar ah, waxaan ka codsanayaa dowladda Puntland Wasaaraddaheeda kale inay yimaadaan Gobalka in la imaan karo oo soo dhaweyn diiran mooyaane aysan wax kale ka jirin waxaa xaqiijiyey Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali C/laahi Warsame iyo Agaasimaha guud Dr. C/risaaq, Gobalkan amaan ayaa ka jira waa u baahan yahay in waftiyadu ay soo booqdaan waana markii u horeysay ee ay dowladdu kasoo leexato laamiga oo noo jira 29 km marka Sheerbi laga soo leexdo” ayuu yiri Duqa Dhahari.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. C/risaaq Xirsi Xasan oo la hadlay bahda caafimaadka ee Dhahar iyo Odayaasha degmada qaarkood waxa uu ka mahadceliyey soo dhaweynta isagoo sheegay in ujeedka safarka Wasaaraddu uu yahay mid kormeer ah ayna doonayaan inay ku qiimeeyaan xaalada Caafimaad ee Gobalka guud ahaan iyo baahiyaha ka jira. Waxa uu sheegay inay dadaal badan u galayaan inay Gobalka caafimaadkiisa wax weyn ka badalaan si bulshada loo badbaadiyo. Waxa uu carabka ku dhuftey agaasimuhu in safarkoodu uu kusoo aaday iyadoo uu socdo Ololihii Talaalka Maalamaha Caafimaadka Caruurta oo ay Wasaaradda shaqaalaheeda iyo madaxduba ku kormeerayaan Gobalada sida Talaalku uga socdo.

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa markaasi hadalka qaatey ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee maamulka, Odayaasha iyo bahda caafimaadku ay kusoo dhaweeyeen Waftiga Wasaaradda Caafimaadka isagoo markaasna ka hadlay arimo muhiim ah kuna saabsan baahiyaha caafimaad ee Gobalka ka jira gaar ahaan Isbitaalka iyo sida ay Wasaaraddu ugu niyadsan tahay inay wax ka qabato intii dadaalkeeda ah. Wasiirku waxa uu sheegay in baahiyaha loosoo gudbiyey inay qaadan doonaan wixii awooda wasaaradda ahna ay ka gaysan doonaan waxyaabaha ugu muhiimsan sida qalabka Raajada, Laabka iyo qalabka aasaasiga u ah Isbitaalka inuu si fiican u shaqeeyo arimahaas wasiirku waxa uu carabka ku dhuftey inay raadin doonaan oo dadaal ay ku bixin doonaan.

 

“Aad baan idiinka mahadcelinayaa soodhaweynta diiran ee aad nagu soo dhaweyseen, waxaan idiinku nimid booqasho gaaban oo aanu doonayno inaanu ku qiimeynu xaalada caafimaadka ee Gobalka kormeerkani aan idiinku nimid waxa uu kusoo aday Ololaha Talaalka waxaana aanu isu qaybinay Gobalada waxaa nasiib wanaag ah in aniga iyo agaasimuhu aan soo dooranay inaan Gobalkan nimaadno si aan dhibaatooyinka dhanka caafimaadka si qoto dheer wax uga ogaano. Waxaan idiin sheegayaa anigu Degmada Jariiban ayaan u dhashay wali ma tagin idinkan idinku soo hormaray taas waxay macnaheedu waxa weeye in aanan degmadayda ku hormarin ee aan imaado Dhahar iyo degmooyin kale oo aan horey u tagay” ayuu yiri wasiirku.

 

Dr. Cali C/laahi Warsame waxa uu sheegay in Wasaaradda Caafimaadku ay sanadkan ka dagtey laamiga Qorshaha wasaaradduna yahay in wax laga qabto caafimaadka degmooyinka laamiga ka baxsan. Waxa uu bulshada Gobalka Hayland ugu baaqey inay isku tashadan oo ay gacan ka gaystaan caafimaadka si dadka loo badbaadiyo. Wasiirka caafimaadka iyo Agaasimaha guud waxay booqdeen goobo lagu talaalayay caruurta iyo hooyooyinka dhaqmaadka ah oo gudaha degmada Dhahar ah iyo waliba dugsiyada waxbarahada ee Degmada Dhahar iyadoo ay ardaya iyo macalimiinta ku guubaabiyeen inay caafimaadka iyo nadaafadda ka qaybqaataan dadaalna sameeyaan si ay deegaanka u hormariyaan.

 

Safarka Wasiirka Caafimaadka iyo waftigiisu ay ku tageen Degmada Dhahar ee xarunta Gobalka Hayland ayaa ah booqashadii ugu horeysay ee wasiirku u maro Gobalka Hayland ama uu ku tago. Waxaana sidoo kale uu wasiirku booqdey Sheerbi oo ka tirsan Karkaar. Iyadoo sido kalena la filayo dhamaadka bishan in madaxda Wasaaradda Caafimaadku ay tagaan Degmooyinka ka baxsan laamiga oo hawlaha kor u qaadida adeegyada caafimaadku ay ka socdaan. Sawiro intaas ka badan hoos ka daawo

 

C/qadir Warsame Yuusuf

 

Madaxa Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka Abdiqadir72@gmail.com

 

wasiirka-iyo-agaasimaha-guud-oo-eegaya-q

DHAHAR.jpg

23.jpg

42.jpg

Agaasimaha-guud-ee-Wasaaradda-caafimaadk

agaasimaha-guud-oo-daawada-wasaaradduhu-

dacdaro-ayaa-ka-muuqata-qaybo-Isbitaalka

Mayarka-dhahar-Salaad-Xasan-Shire.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this