Sign in to follow this  
Somalia

UNHCR turns vehicles over to Puntland Ministry (Pictures)

Recommended Posts

Somalia   

GAROWE ONLINE

 

Hayada Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa maanta 15, March 2012 ku wareejisey gadiid qaar ka mid ah wasaaradaha Puntland,waxana xaflada ku wareejinta ka soo qaybgalay masuuliiyintla dowladda iyo sarakiisha UNHCR.

 

Wasaaradaha qorshaynta ,arrimaha gudaha ,amniga iyo cadaalada ayaa afar gaari lagu wareejiyey oo nooca Land Cruiser ah,waxana lagu micneeyey talaabadan si loo fududeeyo hawlaha ay wasaaradahan u hayaan dadweynaha reer Puntland.

Wasiirka cadaalada ,arrimaha diinta iyo dhaqan celinta Puntland Dr.Cabdi Khalif Xaaji Xasan Ajaayo oo ka mid ahaa masuuliyiinta ka gudoontey gaadiidkan UNHCR ayaa ka mahadceliyey talaabadan ay qaadey hayadu ,waxana uu tilmaamey in ay wax kabadan ka tari doonaan habsami u socodka hawsha wasaaradaha.

 

UNHCR ayuu sheegey Dr.Ajaayo in shaqo baaxad leh ka wadaan Puntland dhinaca daryeelka qaxootiga iyo baracayaashaba kuna sii boriyey inay sii wadan shaqada.

 

Madaxa UNHCR Puntland Bruno Geddo oo hadalo kooban saxaafada siiyey ayaa cadeeyey in UNHCR u dooratey wasaaradahan muhiimada ay leedahay shaqada ay u hayaan shacabka Puntland islamarkaasina u fududeynayo gadiidkani shaqadooda sidii ay ugu qabsan lahaayeen.

 

Waxa uu wax ka taabtey hawlaha ay hayadiisu ka qabatay Puntland oo xusey saldhigyo saddex ah oo ay ka dhiseen deegaano hoos taga gobolka Bari iyo weliba hool Galkacayo ay ugu talago galeen xalinta khilaafaadka beelaha.

 

DSC00282.JPG

DSC00284.JPG

DSC00288.JPG

DSC00289.JPG

DSC00291.JPG

DSC00292.JPG

DSC00305_1.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this