Somalia Posted March 15, 2012 GAROWE ONLINE Hayada Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa maanta 15, March 2012 ku wareejisey gadiid qaar ka mid ah wasaaradaha Puntland,waxana xaflada ku wareejinta ka soo qaybgalay masuuliiyintla dowladda iyo sarakiisha UNHCR. Wasaaradaha qorshaynta ,arrimaha gudaha ,amniga iyo cadaalada ayaa afar gaari lagu wareejiyey oo nooca Land Cruiser ah,waxana lagu micneeyey talaabadan si loo fududeeyo hawlaha ay wasaaradahan u hayaan dadweynaha reer Puntland. Wasiirka cadaalada ,arrimaha diinta iyo dhaqan celinta Puntland Dr.Cabdi Khalif Xaaji Xasan Ajaayo oo ka mid ahaa masuuliyiinta ka gudoontey gaadiidkan UNHCR ayaa ka mahadceliyey talaabadan ay qaadey hayadu ,waxana uu tilmaamey in ay wax kabadan ka tari doonaan habsami u socodka hawsha wasaaradaha. UNHCR ayuu sheegey Dr.Ajaayo in shaqo baaxad leh ka wadaan Puntland dhinaca daryeelka qaxootiga iyo baracayaashaba kuna sii boriyey inay sii wadan shaqada. Madaxa UNHCR Puntland Bruno Geddo oo hadalo kooban saxaafada siiyey ayaa cadeeyey in UNHCR u dooratey wasaaradahan muhiimada ay leedahay shaqada ay u hayaan shacabka Puntland islamarkaasina u fududeynayo gadiidkani shaqadooda sidii ay ugu qabsan lahaayeen. Waxa uu wax ka taabtey hawlaha ay hayadiisu ka qabatay Puntland oo xusey saldhigyo saddex ah oo ay ka dhiseen deegaano hoos taga gobolka Bari iyo weliba hool Galkacayo ay ugu talago galeen xalinta khilaafaadka beelaha. Quote Share this post Link to post Share on other sites