Sign in to follow this  
Somalia

Puntland President Delegation in Qardho (Pictures)

Recommended Posts

Somalia   
Qardho (Puntlandi) Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa todobaadkan waxa ay booqasho ku tageen Gobalka Karkaar caasimadiisa Qardho halkaas oo ay kulamo kula leeyihiin Waxgaradka, Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahanka iyo qaybaha kala gadisan ee Bulshada Gobalka Karkaar.

 

Waftiga Madaxwaynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha Gudaha Gen. C/laahi Axmed Jaamac (ilkajiir), wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Cali Yuusuf Cali Xoosh, Wasiiro, Xildhibaano, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Gen. Siciid Maxamed Xirsi, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Maxamed Siciid Janaf iyo xubno ka mid ah Madaxtooyada Puntland.

 

Madaxwaynaha Dowladda Puntland iyo waftigiisa ayaa Gobalka Karkaar u tagay sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen turxaan bixinta khilaaf u dhaxeeyey labo beelood oo reer Qardho ah kuwaas oo xalintoodu ay ku adkaatey Odayaashii iyo waxgaradkii ku jirey kadib markii labada beelood ee wax kala tirsanayey ay heshiin kari waayeen. Arintan waxay salka ku haysaa aanooyin dad la kala diley sanadkii hore iyo dakanooyin hore oo keenay dhibaatada sanadkii hore labada beelood kala gaartey.

 

Wasiir ku xigeenka Arimaha gudaha Dowladda Puntland Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa Puntlandi u sheegay in Madaxwaynaha iyo waftigiisu ay u yimaadeen Qardho sidii ay miiska wadahadalka isugu keeni lahaayeen labada beelood si loo dhameeyo khilaafka.

 

“ Madaxwaynuha iyo waftigiisu Isniintii ayay soo gaareen Magaaladan ujeedkuna waxa uu yahay xalinta khilaafaadka beelaha Gobalkan dagan, madaxwaynuhu wuxuu la kulmey markii u horeysayba Odayaashii iyo waxgaradkii Islaaxa labadan beelood ku jirey wuuna uga mahadceshay hawsha ay ku jireen iyo dadka walaalaha ah ee ay ku kala dhexjireen, dabadeed waxa uu madaxwaynuhu la kulmey beeshii waxtirsanaysay wuuna dhagaystey kadibna beeshii kale ee wax lagu tirsanayey ayuu la kulmay hawluhu meel fiican ayay hada marayaan oo guulo ah waxaana rajaynayaa in socdaalka Madaxwaynuhu uu xaliyo hawshan oo guul laga gaaro khilaafka taagan” ayuu yiri Wasiirku isagoo saxaafada kula hadlayay Hotelka Waftiga madaxwaynuhu ka dagan yahay magaalada Qardho.

 

Duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid Hogaamo-laroor ayaa isna saxaafada kula hadlay magaalada Qardho ayaa ka mahadceliyey Booqashada Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr. C/raxmaan Shiikh Maxamed uu ku yimid magaalada isla markaasna uu ugu soo gurmaday reer Qardho sidii uu gacan uga gaysan lahaa xalinta khilaafaadka beelaha Qardho oo uu sheegay duqu in khilaafaadkaasi ay saameyn ku yeesheen isu socodka Gobalka gaar ahaan magaalada Qardho. Mayorku waxa uu intaas ku daray in shacabka iyo waxgaradka Gobalku ay aad ula dhaceen in madaxwaynuhu uu arinta soo dhexgalo oo uu culaysiiyo si labada beelood ay gacmaha isu saaraan oo ay kala xalistaan dhibka kala gaarey si walaaltinimadii, ehelnimadii iyo wadanoolaasnshihii uu u soo noqdo.

 

Mudane Hogaamalaroor waxa uu sheegay in Madaxwaynuhu uu kormeero ku sameeyey xarumaha dowladda ee Degmada Qardho uuna soo arkey baahiyaha ka jira iyadoo uu sheegay in madaxwaynuhu balan qaadey in wax laga qaban doono baahiyaha ka jira dhanka maamulka hormarna laga samayn doono, goobaha uu booqdey madaxwaynuhu ee uu sheegay duqu waxaa ka mid ah xarumaha maamulka Gobalka iyo Degmada, Jeelka weyn ee Qardho, dhismaha madaxtooyada, Xarumaha hay’adaha Amniga sida Daraawiishta iyo Booliska iyo goobaha bulshada sida Isbitaalka Degmada Qardho.

 

Mayarka Qardho waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in dad waxun sheeg ah ay idaacadaha ka sheegeen in Qardho uu ka dhacay mudaharaad Madaxwaynaha iyo waftigiisa looga soo horjeedo arintaas oo uu maayarka Qardho ku tilmaamay nasiib daro.

 

“ Waxaan ka xumahay in booqashada madaxwaynaha Puntland uu ku yimid Qardho sixun loo arko, madaxwaynaha anagaa ka codsanay inuu noo yimaado, waxagradka iyo odayaasha ayaa ka codsaday inuu xalinta khilaafaadka kala qaybqaato oo soo dhexgalkiisu uu wax weyn ka badalayo labada beelood gar adkayntooda oo dabac laga helayo iyo tanaazul, marka in Idaacaduhu warxun sheegaan inta qof waxun sheeg ah waraystaan aad baan arintaas u dhaleecaynaynaa magaaladana kama dhicin wax mudaharaad ah, waxan garan la’ahay mudaharaadka Idaacaduhu sheegayaan ee aanan arag anagii magaalada Qardho ku sugnayn, Idaacadda warka baahisay way isoo wacday waan u sheegay inuusan jirin wax mudaharaad ah warkooduna uu yahay been abuur waan uga digaynaa saxaafadda inay war xun ka sheegaan Gobalka anaga hana soo mareen anagaa Gobalkan wakiil ka ah wixii jirana u sheegayna” ayuu yiri duqa Qardho Maxamed Siciid Hogaama laroor.

 

Saraakiisha Madaxtooyadu waxay Puntlandi.com u sheegeen in madaxwaynuhu uusan kasoo tagayn Qardho ilaa labada beelood gacmaha la isu saaro oo ay ka gaarayaan heshiis dhaxal gal ah oo uu madaxwaynuhuna markhaanti ka noqdo.

 

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu la kulmo waxgarad kasoo jeeda Degmada Rako ee Gobalka Karkaar oo iyagana xurguf colaadeed ay ka jirto arimahaas khilaafaadka Beelaha ee Gobalka Karkaar waa arimaha uu madaxwaynuhu Gobalkaas u tagay waxaana la la rajaynayaa in wax weyn uu ka qabto madaxwaynuhu oo ay dadka Gobalkaasna xalay dhalay ka noqdaan khilaafaadka ragaadiyey hormarkoodii iyo nabadoodii.

 

Wixii kasoo kordha Xalinta Khilaafaadka Beelaha ee uu Madaxwaynuhu ku dhexjiro Puntlandi.com ayaad kala socon doontaan.

 

Madaxwaynaha-iyo-waftigiisa1.jpg

Gen.Siciid-Dheere-Wasiirk-A.Guraha-Gen.-

Cali-Yuusuf-Cali-Xoosh.jpg

Hogaamolaroor.jpg

16.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this