Sign in to follow this  
Che -Guevara

Muqdisho: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Villa-Somalia

Recommended Posts

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa-Somalia ee magaalada Muqdisho.

 

Qaraxa ayaa ahaa mid uu fuliyey qof isa soo midaamiyey, wuxuuna ka dhacay iridda hore ee madaxtooyada.

 

Khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaas ka dhashay lama oga ilaa iyo hada, waxaase Horseed Media loo xaqiijiyey dhaawaca 6-qof iyo dhimashada 2 kale.

 

Wadooyinka madaxtooyada gala ayaa ah kuwo gebi ahaantood xiran, waxaana la maqlayaa rasaas ay cirka u ridayaan ciidamada madaxtooyadu.

 

Ilaa iyo hadda ma jirto cid ka hadashay khasaaraha qaraxan ka dhashay, waxaase la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxdo faah faahin dheeri ah oo qaraxaas ku saabsan.

 

Qofka is qarxiyey oo lagu soo waramayo inuu dooneyey in madaxtooyada uu gudaha u galo ayaa isku qarxiyey maqaaxi ay ciidamadu ku shaaheeyaan oo ku taal banaanka hore ee Villa Somalia.

 

Waana markii ugu horeysey oo qarax noocan oo kale ahi uu ka dhaco afaafka hore ee xarunta madaxtooyada DKM ah ee Soomaaliya.

 

 

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

 

Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Weerar ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux labisnaa dharka ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya oo ay ku xirnaayeen waxybaaha qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ku dhintay saddex qof oo uu ku jiro ninkii qaraxa fuliyay sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan DKMG ah iyo kuwa AMISOM.

 

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay meel ku dhow guriga uu daggan yahay guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyadoo ay dhaawacyo kasoo gaareen ugu yaraan lix qof oo ku sugnaa maqaahi shaaha laga cabo.

 

"Dadka dhintay laba ka mid ah waxay ahaayeen shacab, sidoo kalena dadka ay soo gaareen dhaawacyada ayaa waxay ahaayeen shacab, waxayna dhammaantood ku sugnaayeen maqaahi shaaha laga cabo," ayuu yiri Col. C/llaahi Xasan Bariise oo la hadlya saxaafadda.

 

Col. Bariise, wuxuu sheegay inay socdaan baaritaanno ku aaddan ujeeddada laga lahaa qaraxa, cidda la doonayay in lagu dilo, isagoo sheegay inaysan jirin mas'uuliyiin ka tirsan dowladda oo qaraxaas wax ku noqday.

 

Afhayeenka AMISOM, Col. Paddy Ankunda ayaa isaguna sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen saddex qof oo uu ku jiray ninkii Qaraxa geystay. Waxaana goobjoogayaal ku sugan goobta uu qaraxu ka dhacay ay sheegeen in ruuxa qaraxa geystay uu muddo ku sugnaa halkaas.

 

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa yaallay dhiig fara badan iyo hilbo dad oo googo' ah, waxaana sheegtay qaraxan Al-shabaab oo xusay inay ku dileen ciidamo fara badan, iyagoo intaas ku daray in qaraxaas uu ahaa mid qorsheysanaa.

 

Dhawaqa qaraxan ayaa waxaa laga maqlay inta badan Muqdisho, iyadoo uu kusoo beegmayo iyadoo dowladda KMG ah ay sheegtay inay gabi ahaan gacanta ku hayso xarunta Soomaaliya ee Muqdisho oo ay sannadkii hore ku dagaalamayeen xoogagga Al-shabaab oo ku biiray Al-Qaacida.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

These anti-modern reactionaries taking refuge in Islam need to be stopped at all cost.The link above asks for viewer discretion.I just can't believe anyone with sane mind is supporting what Al-Shabab is doing.I honestly don't get the use of Islam as a political tool.I understand that this ideology is the product of faith and a religious world view interpreted and applied within the context of gaining more power and control.Sane people seek reform through gradual transformation of the government.Seeking violent confrontation only locks Somalia in a defensive war and the circle continues.I understand that they think any form of government other their own is unislamic and morally bankrupt.When you use Islam as yardstick to attack the government and the people clearly there is something wrong with that picture.There is nothing wrong with having a moderate islamic activist instead of radicals that kill in the name of Islamic political and social justice. Their faith needs to come in grip with reason.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this